Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 


Maxamed Dheere”C/qaasim ayaa ka dambeeya shirarkan ka socda Muqdisho, waana la og yahay C/qaasim dadkiisa dhibaatada ay dadka ku hayan”

Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa ku eedeyay Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG Carte lagu soo dhisay Dr C/qaasim Salaad Xasan inuu sabab u yahay shirarka ka socda Magaalada Muqdish iyo weliba kan dhawaan la filayo inuu ka dhaco degaanka Balcad.

“C/qaasim waxaan leeyahay faraha ha kala baxo arrimaha Dowladda Federaalka ka dhaxeeya, waan og nahay in shirkii Baraawe ka dhacay C/qaasim ka dambeeyo, kuwa hadda ka socda Muqdisho iyo midka Balcad-na isaga ayaa sabab u ah qabanqaabadiisu”ayuu yiri Maxamed Dheere oo ah martigeliyaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Dheere ayaa ku eedeyay C/qaasim iyo dadkiisaba inay dhibaato ku hayan dalka Soomaaliya, sidaas darteedna loo baahan yahay in laga taqaluso waa sida uu yiri Maxamed Dheere.

Hadalka Maxamed Dheere ayaa ah mid qeyb ka ah dagaalka Siyaasadeed ee ay isku hayan Siyaasiyiinta Soomaalida, in kastoo hadda muranka Siyaasadeed uu yahay Labo qayb oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya,wallow Maxamed Dheere uusan ka mid ahayn Labada gole ee Dowladda Federaalka.

Eedeynta Maxamed Dheere ka soo yeertay ayaa wax war ah ka soo saarin C/qaasim Salaad Xasan oo haatan ku sugan Magaalada Muqdisho, sidoo kale Saraakiisha C/qaasim oo aan la xiriirnay ayaa waxay diideen inay ka hadlaan hadalka Maxamed Dheere.

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
Muqdisho Somaaliya