Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Maxaad kala socotaa Mu'alifiinta Heesaha Kala duwan ee Soomaaliyeed

Dadka Somaaliyeed waxeey si weyn uga xeel dheer yihiin dhanka Sugaanta Noocayeeda kale duwan waxeeyna leeyihiin Mua,alifiin Riwaayadaha ku caan baxay iyo Curinta Heesaha kala

Duwan Dhanka Wadanigga iyo kuwa dabacsan, weyna ku kala horeeyaan habka Mua,alifnimo
iyo hanaanka Abwaanimo, Sugaanta Somaaliyeedna waa dhaxal qaali ah oo Ummadda
Somaaliyeed leedahay.
Waxaan Jeclahay in aan Halkan ku soo bandhigo Liiska Magacyadda Mu,alifiinta iyo Curiyaasha Somaaliyeed oo aan oran karro waa kuwo kaalinta weyn ka soo qaatay habka
iyo horumarinta Doorka Sugaaneed ee Dalkeena Hooyo, Liisku uma qorna sidda eey u kala
Caansan yihiin ama u kala Abwaansan yihiin ee Liis si Caad ah ku Qoran,waxaana dhici karta
in aan ka illaawo Mua,lifiin ama Curiyaan Caan ah Markaa Qaali halaga ahaado,Waana kan Liisku:-
 
1-Abwaan,Al-Marxuum- Xuseen Aw Faarax.
2-Abwaan,Al Marxuum, Maxamed Cali Kaariye.
3-Abwaan, Maxmuud C/Laahi Sangub.
4-Abwaan, Xassan C/Laahi(Xassan Geni).
5-Abwaan, Xassan Sheekh Muumin.
6-Abwaan,Al Marxuum, Maxamuud Tukaale Cusmaan.
7-Abwaan, Axmed Suleeymaan Bidde.
8-Abwaan, Cabdi Muxumud Amiin.
9-Abwaan, Maxamed Aadan Dacar.
10-Abwaan, Cali Sugulle Cun-Carbed.
11-Abwaan, C/Qaadir Cali Cigaal(Cirro).
12-Abwaan, C/Laahi Diiriye Sooraan.
13-Abwaan, Sheekh Ismaciil Xirsi Farxaan.
14-Abwaan, Cabdi Aadan(Cabdi Qeys).
15-Abwaan, Maxamed Ibrahim Warsamme(Hadraawi).
16-Abwaan,Barre Maxamed Fiidoow.
17-Abwaan,Aqoonyahan, Ibrahim Cajaa,ib.
18-Al-Marxuum-Abwaan, Cabdi Bashiir Indha Buur.
19-Abwaan, Al ustaad, Saciid Saalax Axmed.
20-Abwaan,Al Marxuum,Max,d Nuur Xassan Shareeco.
21-Abwaan, Sugaal Cabdulle.
22-Abwaan, Cabdi Cali Weeyd.
23-Abwaan, C/Qaadir Xirsi Yamyam.
24-Abwaan,Al Marxuum-Cabdulle Raagge.
25-Abwaan,Maxamed Ciise Ilka Casse.
26-Abwaan, Sahal Macalin Ciise.
27-Abwaan, Aweeys Geedoow.
28-Abwaan,Laashiin, Axmed Cabdi Gaashaan.
29-Abwaan, Cali Diiriye(Cali Gaab).
30-Abwaan,M.C.Huryo.
31-Abwaan,Al Marxuun, ustaad, Yuusuf Xaaji Aden.
32-Abwaan, Yuusuf Dakharre.
33-Abwaan,Al Marxuum,C/Qaadir Xassan Nageeye.
34-Abwaan,Saciid Xarawo.
35-Abwaan,Cabdalla Nuuradiin Axmed.
36-Abwaan,Al-Marxuum, C/Laahi Qarshe.
37-Abwaan,C/Qaadir Ciise Cagoole.
38-Abwaan,Axmed Ducaale Xiireey.
39-Abwaan,Cali Jaamac Boqorre.
40-Abwaan,Al Marxuum,Cusmaan Askari.
41-Abwaan,Heesaa Al-Marxuum,Cumar Dhuule Cali.
42-Abwaan,Yuusuf Maradoon.
43-Abwaan,Curiye,Qaaqaa.
44-Abwaan,Al-Marxuum,Axmed Nuur.
45-Abwaan,Curiye,Yuusuf Tuug-tarabi.
46-Abwaan,Curiye,Aadan Loo-shiday.
47-Abwaan,Al-Marxuum,Meecaad Miigane.
48-Abwaan,Curiye,Yuusuf Dankeli.
49-Abwaan,Curiye,Maxamuud Maxamed Firin.
50-Abwaan,Curiye,C/Laahi Hanti-Wadaag.
51-Abwaan,Laashiin,Dr-Raafi.
52-Abwaan,Curiye,Axmed Shirre Baanday.
53-Curiye,Heesaa,Cabdi Taliil Warsamme.
54-Curiye,Heesaa,Shimbir.
55-Abwaan,Cali Mirre Cawaale.
56-Abwaan,Faarax Guuleed.
57-Abwaan,Yuusuf Yarre.
58-Abwaan,Laashiin,Iikar Xaaji Leeb.
59-Abwaan,Laashiin,Mardaadi Xaaji Dhagax.
60-Abwaan,Curiye,Xassan Jaceeyl.
61-Abwaan,Curiye,Xassan Xaaji(Xassan Guulwadde).
62-Curiye,Cabdulqaadir Shirwac.
63-Abwaan- Maki Xaaji Banaadir.
64-Abwaan-Mustafe Sheekh Cilmi.
65-Abwaan, Saxardiid Maxamed (Jebiye).
66-Abwaan, Max,d Warsamme Tabantaabo.
66-Abwaan- Al-Shahiid- Max,ed Max,ud Daba-gooye.
67-Abwaan- Cali Barre Xassan.
68-Abwaan- Yuusuf Aden Allaale.
69-Abwaan, Al-Marxuum-Proff-Axmed Nuur Yuusuf.
70-Abwaan, Cabdi Aadan Badeey.
71-Abwaan, Yuusuf Maxamed Muumin.
72-Abwaan Curiye, Tuug Tarabbi.
73-Abwaan, Sugaan Yaqaan, C/Laahi Cabdi Shube.
74-Abwaan, Maxamuud Diirshe.
 
Iyo kuwo kalle oo badan laakiin Xusuuusto soo saari weeyday.
 
*Aabaha Fanka Somaaliyeed ayaa ahaa Abwaan Al-Marxuum-Xuseen Aw Faarax,
Halka Aaabaha Muusikanu ahaa Al-Marxuum- Cabdullahi Qarshe, Hooyadda Fankuna
Fanaanadda Weyn, Shamso Abokor Guduudo Carwo, Fanaanka Koowaad, Maxamed
Suleeymaan Tubeec (Boqorka Codka), Fanaanadda Kowaadna aheyd Al-Marxuuma,
Xaliimo Khaliif Cumar (Magool), Abwaana ugu Riwaayado Badanaa, Al-Marxuum Kaariye,
Xassan Geni, Sangub, Dacar, Al-Marxuum Cusmaan Askari, Axmed Suleeyban Bidde iyo
Al-Marxuum Tukaalle,

Halka Banaadirina uu ugu Riwaayado Badaan, Abwaan Aweys

Geedoow, Al-Marxuum Cumar Dhuule Abwaan, Mulaxin Muusiko iyo Heesaa,Muslimo
Qaasin Gadadha Keliye ee Muusik Yaqaana ah, Abwaan, Cajaa,ib Takhasuus Cilmiyeed
Heer Jaamaceed ah(Jaramaalkii Barri), Kooxdii Iftiin Macaliimta Muusikadda Qorra kuna
Soo Bartay Dalka Kooriyadda Waqooyi, Mulaxiin Ismaaciil Xudeeydii Macalinka Kabanka,
Al-Marxuum, Meecaad Miigane Aabahii Jilista, Feeynuus Sh.Dahir Xidigta Jilista, Aw Roombe
Aabaha Qosolka, Qalinjo iyo Sh,Abukor Xidigaha Dheesha(Ciyaaraha), Al-Marxuum,Fanaan
Beer Dilaacshe Xidiga Agshanka(Dhaqdhaqaaqa La Sameeyo Marka La Heesaayo), Abwaan,
Fanaan Al-Marxuum, Huryo Xidiga Habka Jilista(Islaamaha), Fanaan, Bas-baas Xidiga Habka
Jilista(Odeyga).
 
 
Abwaanaddan iyo Curiyaashan ayaa Riwaayado iyo Heeso Qiimo weyn leh Dhaxl uga Dhigay
Umma Somaaliyeed oo ilaa hadda si weyn loo xiiseeyo, Intii Xagga Aakhriro u hooyday Waxaan Alle uga Rajeeyeey Janaddii Fardoosa inta kalle Caafimaad iyo Nolool Wanaagsan,
Aamiin, Aamiin, Aamiin.
 
 
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England-08/2005.