|
Max’ed Dheere oo beeniyay in uu codsaday in la dhimo tirada Maleeshiyooyinka
Puntland ee jooga Jowhar.
Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere oo gacanta ku haya gobolka Sh/dhexe
ayaa sheegay in aysan jirin habayaraatee wax khilaaf ah oo uu soo kala dhex
galiyay isaga iyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf iska horimaadkii Dhowaan ka dhex
dhacay maleeshiyooyinka Puntland iyo kuwa Jowhar ee ku wada sugnaa xerada
Congo ee ku taaal duleedka magaalada Jowhar.
Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa ku macneeyay arin aan ku talagal aheyn
oo ku dhacday si fudud iska horimaad dhex maray maleeshiyooyinka Puntland
iyo kuwa Max’ed Dheere ee ku sugan magaalada Jowhar taas oo ay ku dhinteen
kuna dhaawacmeen labo askari oo reer Puntland ah..
Max’ed Dheere oo diiday jiritaanka warar sheegayay in uu Madaxweyne C/laahi
Yuusuf u qorey codsi uu ku dalbnanayo in la yareeyo tirada maleeshiyooyinka
Puntland ee jooga Magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in arimahaaasi ay
ahaayeen kuwo aan saameyn badan ku yeelan wada jirka maleeshiyooyinka C/laahi
Yuusuf iyo kuwa Max’ed Dheere ee jooga Jowhar.
Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere oo ka hadlay horumarka gobolka Sh/dhexe
uu sameeyay tan iyo markii ay fariisin ka dhigatay gobolkaasi garabka ka mid
ah dowladii lagu soo dhisay Impagati ayaa waxa uu sheegay in isbadalka
magaalada Jowhar oo dhismayaal cusub iyo dhaqaaleba la galiyay uu yahay mid
soo jiitay waxa uu ku tilmaamay indhaha caalamka, isagoo ku tilmaamay
magaalada Muqdisho oo caasimadda Somalia ahna ay ka mid tahay wali meelo loo
diidan yahay in ay gaarto xasilooni iyo horumar oo uu sheegay in ay ka
hortaagan yihiin shaqsiyaad ay isku hayaan siyaasadda.
Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere oo dhinaca
kale ka hadlay walwalka dunida ay ka muujineyso in Somalia noqoto meel ay
asal raacnimadu ku sii xoogeysaneyso ayaa sheegay in ay jirto kooxo asal
raac ah oo xiriir la leh ururka Alqacida, isagoo ku eedeeyay in uu hogaamiyo
kooxahaasi Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhowaan barnaamij laga sii daayay
Tvga kanaal 4 ee dalka Engriiska u sheegay in uu heysto ciidan gaaraya ilaa
3 kun.
Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula
jakuula@hotmail.com
|