Mas'uul reer Hiiraan ah oo qiray in ciidamo reer Hiiraan ah ay
ku sugan yihiin Mustaxiil.
mas'uul ka tirsan mas'uuliyiinta gobolka Hiiraan ayaa maanta daaha ka
qaaday in ay jiraan ciidamo ka socda gobolka Hiiraan ay tababaro
militari ay ku qaadanayaan degmada Mustaxiil ee dhulka Soomaalida ay
degto ee wadanka Ethiopia.
Mas'uulkan oo lagu magacaabo Aadan Garaaso ahna gudoomiyaha magaalada
Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamo fara badan
oo dhawaanahanba tababaro ku qaadanayay xerada Ceel Gaal oo dhanka
woqooyi kaga beegan magaalada Baladweyne loo wareejiyay degmada
Mustaxiil halkaasoo uu uga furmay tababar xagga ciidamada ah .
Gudoomiyaha magaalada Baladweyne hadalkan kaso yeeray ayaa muujinaya in
wax uun ay ka jiraan hadallo ka soo yeerayay mas'uuliyiin ka tirsan
xukuumada federaalka Soomaaliya kuna sugan magaalada Muqdisho kuwaasoo
sheegayay in ciidamo Puntland ah iyo kuwo reer Hiran ay tababaro ku
qaadanayaan gudaha Ithiopia si ay ugu soo kicitimaan magaalada Jowhar
iyagoo uga soo gudbaya magaalada Muqdisho .
Aadan Garaaso ayaa sheegay in ciidamadan ay halkaa u ambabaxeen ka dib
markii ay sidaa soo jeediyeen xubnaha labada gole ee xukuumada
federaalka ka tirsan ee ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka
Hiiraan.
Horey waxaa u jiray warar muujinaya in ciidamo Puntland iyo Hiiraan ka
soo jeeda ay kuwada sugan yihiin degmada Feer Feer .
Aadan Garaaos oo wax laga weydiiyay in ay jiraan ciidamo kale oo ku
sugan degmada Feer Feer ayaa sheegay in wararka arinta muujinaya ay
yihiin kuwa aan sal iyo raad toona lahaybn isagoo sheegay in ciidamada
la sheegayo ay ku sugan yihiin degmada Mustaxiil oo horey la sheegay in
madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya uu socdaal ku
tagay.
Maxamed Cumar Sheekh.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.