Mas置uliyiin ka socotay baanka aduunka ayaa ka dhoofay magaalada Jowhar.
Maalmihii
lasoo dhaafay waxaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe
ku sugnaa mas置uliyiin ka socotay baanka aduunka .Mas置uliyiintan ayaa
intii ay ku sugnaayeen magaalada Jowhar waxa ay kulamo kula yeesheen
mas置uliyin ka tirsan dawlada federaalka KMg ah ee Somalia sida wasiir
ku xigeenka amniga qaranka C/Rashid Xidig iyo wasiirka arimaha bulshada
iyo xuquuqda aadanaha Xueen Ceelaabe Faahiye.
Mas置uliyiintan
ayaa waxa ay kawada hadleen sidii baanka aduunka uu kaalmo u siin lahaa
wasaaradahooda uuna gacan uga geysan lahaa taaba gelinta howlaha dawlada
federaalka.
Sidoo kale
wafdigan ayaa waxa ay kulamo la qaateen wasiirka tamarta dawlada kumeel
gaarka ah ee Somalia waxayna kawada hadleen sidii baanku uu gacan uga
geysan lahaa xoojinta tamarta iyo sidoo kale gacan ka geysashada
qalabka tamarta laga dhaliyo.Mas置uliyiintan baanka aduunka ayaa
booqasho ku tagay xafiisyada golaha wasiirada oo dhawaan xariga lagaga
jaray magaalada Jowhar ee xarunta dawlada kumeelgaarka ah ee Somalia.
Mas置uliyiintan
ayaa maanta ka dhoofay garoonka dayaaradaha ee magaalada Jowhar
Gudoomiyaha
xisbiga UCID ee Somaliland oo wax laga xumaado ku tilmaamay ka celintii
magaalada Hargeysa Cisman caato.
Gudoomiyaha
xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta sheegay in
wax laga xumaado ay tahay ishortaagi lagu sameeyey Cisman Xasan Cali
wasiirka howlaha guud iyo guryeenta oo isbuucan gudihiisa laga soo
celiyey garoonka dayaaradaha ee magaalada Hargeysa.
Mr.Waraabe
ayaa sheegay in Caato uu ahaa dadka ugu dhow Somaliland uuna yahay nin
ganacsi ballaaran ku leh maamulka Somaliland.Gudoomiyaha xisbiga
mucaaridka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay raalli
gelin ka bixinayaan falkaasi oo uu ku tilmaamay mid lagu degdegay
wuxuuna sheegay in ay martiqaad ballaaran u sameynayaan Cismaan Caato.
Dawlada
Somaliland ayaa isbuucan gudihiisa waxa ay ishortaagtay in Caato uu
gudaha usoo galo magaalada Hargeysa ayadoo ka celisay garoonka
dayaaradaha magaaladaasi.Cambaareynta falka maamulka Somliland uu ku
dhaqaaqay ayaan ku koobneyn Feysal Cali Waraabe balse waxaa horey u
cambaareeyey madaxa salaadhiinta maamulka Somaliland .
Madaxa
salaadhiinta Somaliland ayaa asna Cisman Caato ka raali geliyey falkii
lagula kacay asagoo sheegay in amarka looga celiyey soo gelitaanka Caato
ee Hargeysa uu ahaa mid aan raali laga aheyn.
Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho
Cadde_8@hotmail.com