Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Mas'uul ka tirsan dowladda FS iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumada Federalka.

Wasiir K/xigeenka wasaaradda tamarta Abaadir Sheekh Isaaq ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay dfs taasoo uu ku sheegay in ay sabab ku tahay maamulka gobolka Hiiraan loo magacaabay ee uusan waxba kala socon.

Wasiir ku xigeenka wasaarad tamarta Abaadir Sheekh oo ka mid ah xubnaha dowladda FS ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in istaqaaladiisa uu u dhiibay Ra'isulwasaare Geedi mana uusan sheegin in uu ka aqbalay iyo in kale.

Wasiir ku xigeenka Abaadir Sheekh ISaaq oo iminka ku sugan magaalada Jowhar ayaa k agaabsaday in uu wax badan ka hadlo sababta keentay in uu is casilo , isagoo ku cel celiyay in is casilaadiisa ay salka ku heyso arimo la xiriira gobolka Hiiraan.

Waa markii ugu horeysay oo wasiir ka tirsan dowladda FS uu iscasilo tan iyo markii dowlada FS ay dib ugu soo laabatay dalka Somalia

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com muqdisho somalia