Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dowladda Masar oo qayb kanoqonaysa wax ka qabashada Burcad Badeedka Somaaliya

Dowladda Masar ayaa balan ku qaaday inay gacan ka geysaneyso la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ee dhowaan weerarka u geystay mid ka mid ah Maraakiibta reer Galbeedka .

Ururka Badaha Caalamiga ayaa waxa uu ka codsaday dowladda Masar inay qaado talaabooyin cusub oo lagu sugayo amaanka Badmaaxiinta mara biyaha Caalamiga ,iyadoo diirada la saarayo howlgalada burcad badeedka la sheegay in dhowaan ay weerareen Markab ay saarnaayeen dad isugu jiray Britain iyo Mareykan meel u dhow Xeebaha Soomaaliya Todobaadkii hore.,

Dr. Casaam Sharaf oo ah Wasiirka Gaadiidka dowladda Masar ayaa warqad u direy Gen. Shiriin Xasan oo ah madaxa Gaadiidka badda oo uu kula dardaarmay in uu muujiyo dhamaan dadaalkiisa uu kaga hortagi karo kuna taageeri karo dhaq dhaqaaqyada lagu takhlusayo burcad badeedka ka jirta biyaha caalamiga ah.

Wasiirka Gaadiidka dowladda Masar ayaa waxa uu sheegay in arintaan la tashiyo ay kala sameynayaan dalalka carbeed ee ku teedsan biyaha badda cas inta lagu guda jiro shirka wasirada gaadiidka carbeed oo la qorsheeyay in uu si rasmi ah uy furmo wixii ka dambeeya bartamaha bishaan Novembar, iyadoo kulankaasina uu ka furmayo sida la shaaciyay magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Syria sida uu qoray wargeyska Al-ahraam ee ka soo baxa dalka Masar

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya