| Dowladda
Masar ayaa waxa ay sheegtay inay xilligan ka fiir saneysa kaalmo kaalmo Ay
siiso Somaliya.
Wasiirka arimaha dibadda Dalka Masar Axmed Abulgheyd ayaa kulan kula
yeeshay magaalada Qaahira Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya C/llaahi
Sheekh Ismaaciil oo booqasho ku jooga Caasimadda dalkaasi Masar .
Kulankaasi ayaa markii uu soo afmeermay ayaa waxaa saxaafadda la hadlay
wasiirka arimaha dibada Masar Axmed Abulgheyd oo sheegay in kulanka isaga
iyo dhigiisa Soomaaliya ay yeesheen uu ahaa mid ay iskula eegeen arimaha ka
taagan gudaha Soomaaliya iyo sidii Soomaalida looga gacansiin lahaa qaabka
ay uga baxeyso dhibaatada ay ku jirto iyo laga maarmaanshaha in ay dib u
howlgaaln hey’adaha KMG ah ee Soomaaliya inta lagu guda jiro mideynta u
jeedada ,aayaha iyo u adeegida Shacabka Soomaaliyeed oo khilaafaat ay
daaliyeen .
Axmed AbulGheyd ayaa waxaa uu cadeeyay in Sanduuqa Masar ee Iskaashiga
Afrika uu sameynayo ka baaraandegidda suurtagalnimada in kaalmooyin dhaqaale
iyo mid farsamo oo cusub la gaarsiiyo Soomaaliya sida ay qortay wakaaladda
wararka ee dalka Sacuudi
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
Muqdisho Somaliya
|