Dowladda Masar oo diyaarineyso dhexdhexaadinta dhinacyada is haya ee
soomaaliya
Dowladda Masar ayaa bilowday inay xiriiro kala sameyso islamarkaasina
la tashiyo la sameyso Q.M ,Jaamacadda Carabta ,Midowga Afrika iyo dalalka
Dariska la ah dalka Soomaaliya qaban qaabada shirweynaha dib u
heshiisiineed ee lagu dhexdhaxaadinayo qeybaha isqilaafsan ee dowladda
federaalka soomaaliya sida uu qoray al-khaleej ee ka soo baxa dalka
imaraadka carabta.
Mas’uuliyiinta Dowladda Masar ayaa wada tashiyo la yeelanaya Dowladda
Ethiopia si loo agaasimo shirweynaha la isugu yeerayo wakiilada iyo
madaxda Hey’adaha KMG ah ee Soomaaliya ee is afgaranwaaga uu u dhaxeeyo oo
lagu heshiinayo shir ka dhacaya Magaalada Qaahira bisha fooda nagu soo
heysa ee October.
dowladda masar ayaa bilihii la soo dhaafay mashquul ku aheyd howlaha
dib u heshiisiinta Soomaaliya, si loo dhameeyo arimaha la xiriira hanaanka
nabadda soomaaliya islamarkaasina loo soo celiyo xasiloonidii dalka
soomaaliya.
xakuumada qaahira ayaa sidoo kale tilmaantay in ay la xiriireyso
dhamaan qeybaha kala duwan ee kooxaha soomaaliya iyo weliba dalalka
deeqaha bixiya si loo soo afjaro arimaha cakiran ee soomaaliya.
Muxyaddiin Cali Jimcaale Jakuula
Muqdisho Somalia