|
Canshuur lagu soo rogay Guriyaha,Goobaha Ganacsiga iyo guud ahaan Degmada
Marka
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh Yuusuf
Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa Canshuur ku soo rogay guriyaha dadweynaha,
Xaafadaha, goobaha Ganacsiga, Baabuurta iyo kuwa kale,iyadoo tallaabadan ay
tahay mid Maamulka kala tashay wax lagu sheegay waxgaradka Gobolka.
Dhawaan mar aan tagay Magaalada Marka waxaan ku soo arkay
Haweenay lagu magacabayay Hindhiyo sheikh Cusmaan oo qori dabiisa lagu
garacayo, taas oo diiday inay bixiso Lacagta Maamulka ku soo rogeen Gobolka.
Gabadhaas waxay wadatay Xijaab, Indha shareer,Waxay ahayd
Islaan Cad, oo Caato ah,Indhaheeda waxaa ka socoday biyo,Waxyna Ooynaysay
sababta loo dilayo oo ahayd arrin qalad ah, waxaa Labada dhinaca ka socday
Labo Wiil oo ku hubeysan qoriyaha K47.
Guri kasta bishii waxaa laga doonayaa 30 kun oo shillin
Soomaali iyo 2000 oo Maalin Walba, sidaas waxaa ii sheegtay Islaan lagu
magacabayo Xaliimo oo aan kula kulmay Magaalada Marka.
Canshuurtan la soo rogay ayaa dadweynaha Magaalada Marka
siyaabo kala duwan waxay uga doodayeen qaabka suuragalka u tahay bixinta
Lacagtan oo ah mid aad u badan
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
jakuula@hotmail/com
Muqdisho Somaliya
|