Markabkii u kireysnaa hay'ada cunnada aduunka e WFP oo weli ku
jira gacanta burcad badeedii afduubka u qabsatay.
Maalintii shalay ahayd waxaa soo baxayay warar muujinayay in ay lasii
dayn doono markabkii u kireysnaa hay'ada WFP cunnadana u siday dadkii
Soomaalida ahaa ee ku waxyeeloobay bad gariirkii Sunaami ee ku dhiftay
qeybo ka mid ah xeebaha dalka Soomaaliya gaar ahaa xeebta degmada
Xaafuun.
Maleeshiyada haysata markabkan oo dhowr jeer oo hore dalbatay lacago
madax furasho ah ayaan la ogayn sababta ay wali u heystaan iyadoo shalay
la filayay in markabka uu shareecdo degada magaalada Boosaaso ee xarunta
gobolka Bari.
Maleeshiyadan ayaa horey dhowr jeer waxa ay ugu hanjabeen in ay dajisan
doonaan raashinka saaran markabka si madax furasho ahaan ah taasoo
keentay in arinta ay soo dhex galaan mas'uuliyiin ka kala tirsan dowlada
kmg ah ee Soomaaliya iyo wadamada Kenya iyo Tanzaniya.
Maleeshiyada haysata markabka ayaa dalbaday in arinta ay faraha kala
baxaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyagoo sheegay in dowladaha aanay
soo kordhinaynin wax aan mashaakil ahayn.
Wada hadalo hoose oo modooyinkan u socday maleeshioyadan haysata
markabka iyo hay'adaha WFP iyo tan markabka iska leh ayaa lagu
go'aansaday in markabka la sii daayo ,lamana oga sababta dhabta e ka
danbeysa in markabka la sii deyn waayo,balse waxa loo maleynayaa in
maleeshiyaadkan ay wax ka badaleen mowqifkooda maadaama ay horeyba dhowr
jeer is badaleen.
Xeebaha Soomaaliya ayaa haatan waxa ay isu badaleen goobo lagu ugaarsado
maraakiibta shisheeya ee xaalufka u imaada xeebaha Soomaaliya oo aan
jirin cid ay uga aabo yeelaayaan.
Maxamed Cumar Sheekh.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.