Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Markabkii u rarnaa hay'adda WFP ee la yiraahdo MV Miltzow oo laga af duubtay xeebata marka ayaa lasii daayey

Markabkan la yiraahdo MV Miltzow oo saakay aroornimadii hore ka soo shiraacday xeebta magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose una soo shiraacday dhinaca degmada Marka ayaa waxaala sheegayaa in wada hadal dheer ka dib in lagu guuleystay in

kooxdii 5ta aheyd ee markabkaasi haysatay ay sii daayeen.

Lama oga in lacag madax furasho ah ay ka qaateen iyo in kale hasayeeshee warar la xaqiijiyay ayaa waxa ay sheegayaan in ragaasi 5ta ah doon lagu soo qaaay dabadeedna laga soo dajiyay dhinaca dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in markabkaasi uu xalay aaay Badweynta hasayeeshee markii saakay aroortii uu ku soo laabtay aoortii hore xeebta degmada Baraawe uu aroornimadii hore saakay ka soo baxay halkaasi, isagoo soo aaday dhinaca degmada Marka si uu ugu dajiyo raashinka saaran oo ay leedahay hay'adda WFP.

Maamulka iyo odayaasha degmada Baraawe ayaa isku daygoodii ilaa shalay waday sidii ay uga sii deyn lahaayeen, inkastoo ehelada qaar ee dadkaasi afduubtay ay arintaasi lugta weyn ugu lahaayeen sii deynta marakbakaasi u kireysan hay'adda WFP.

Waa markii labaad ee Hay'adda WFP markab u kireysan mudo 3 bilood ah la afduubto xeebaha Somaaliya, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay marab ay leedahay hay'adda WFP tan iyo markii la aas aasay afduub loogu geysto dunida.

Labada Markab ee MV Semelow iyo Miltzow iyo markab iminka lagu hesyato xeebaha Xarardheere oo la yiraahdo Torgalow ayaa waxaa isku wada leh shirkad la yiraahdo Motaku Shipping oo fadhigeedi yahay dalka Kenya

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho-somaliya