|
Markaba wv samalow mudo sadex bil iyo wax lajira lagu haysatay xeebaha xarer
dheere ee gobolka mudug ayaa maanta sicad ay u cadeeyeen masuuliyiinta
dekada ceel macaan ee duleedka magaalada muqdisho
marakab kan ayaa 27 bishii Juun burcad badeed ay ku qabteen
deegaanka xara sheere iyoo kowdii bishan oktoobarna uu soo gaaray dekada
ceelmacaan ee duleedka magalada mudisho
Shaqaalahii markab kani saarnaa oo tiradooda gaaraysay 10 shaqaalo ah
ayaa waxaa cafimaad kooda baaraayey dhaqaatiita uu kamid yahay wasiir ku
xigeenka caafimaadka cusmaan maxamuud dufle

Kabtanka markabka oo layiraahdo Amasar oo ka hadlay imaatinkooda ayaa
waxa uu sheegay in markabka intiisa badan uu yahay mid bad qaba
maleeshiyadii heysatayna ay gacantooda ku jireen ay markasta ahaayeen kuwo
dareemaya xaalad wal wal iyo niyad Kac ah.

Max'ed Cabduu oo ka mid ah shaqaalaha markabka MV semelow ayaa sheegay in
ay dareemayaan haatan madax banaani iyo xuriyad, waxaana shaqaalaha markabka
oo uu ku jiro Badig Umuto oo u dhashay dalka Kenya ayaa lagu wadaa in 10
koodala geeyo galabta Hotel Ramadan.
Guud Shaqaalaha Markabka Saarab MV semelow ayaa u muuqdoi kuwo rafaadsan
isla markaana ay ka muuqato nasasho darri tan iyo markii ay la heystayaal u
ahaayeen kooxaha burcad badeeda ah.

K/xigeenka madaxa Sahayda iyo dajinta gargaarka hay'adda WFP Axmed
Max'uud Maareey oo ka hadlay ragaasi la heystayaasha u ahaa burcad badeedii
Xarar-dheere oo iminka xur ah ayaa waxa uu sheegay in hay'adda WFP ay
qorsheyneyso in raashinka ay dajiso.
Heshiiska markabka lagu dajinayo ayaa waxaa la sheegay in uu yahay mid
loo raacayo kii horey u dhex maray dowladda FS iyo hay'adda WFP sida uu
sheegay mid ka mid ah howlwadeenada shirkadda Ceelmacaan maamusha ee Banadir.
Ra'isulwasaare Geedi ayaa la hadlay wasiir k/xigeenka Caafimaadka Cismaan
X.Max'uud Dufle oo ka mid ah koox dhaqaatiir ah ooloogu talo galay in ay
eegaan xaaladda Caafimaad shaqaalaha markabka saaran MV semelow.
Markabkii Ibnu Batuta oo isna kooxaha burcad badeeda ah ay qabsaday
maantana dhinac taagnaa MV Semelow ayaa shaqaalah saaran aysan u muuqan kuwo
rafaadsan,
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jaluula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|