| |
WFP
Oo Codsatay In Laqeeybiyo Rashinka Macaawinada ah Ee Sarnaa marka MV samalow
Iyo Ganacsato Somali oo lawaregtay rashinkaas
Hay ada WFP, ayaa ugu baaqday madaxda Soomaalida inay hubiyaan in si
haboon loo qeybiyo bariiska 850-ka tonn gaaraya ee saaran mid ka mida
maraakiibteed ay soo kireysatay, kaasoo la siidaayey horaantii todobaadkan
ka dib markii saddex bilood ay haysteen kooxo burcad badeed ah oo qabsaday
markabkaasi mv samalow isagoo soo siday raashin la doonayey in lagu quudiyo
28,000 oo ruux oo ka badbaaday badgariirkii Sunaamiga ee ku dhuftay wadamada
badweynta Hindiya.
Agaasimaha hay’ada WFP ee dalka Soomaaliya, Robert Hauser, ayaa yiri “waxaan
ku boorinaynaa wakiilada ka kala socda dowlada FS iyo dekada Ceel-Macaan
inay kala shaqeeyaan WFP sidii loo hubin lahaa in raashinka gargaarka ah si
haboon loo maareeyo oo loogu qeybiyo dadka u baahan ee ku sugan Soomaaliya,”
.
Markabka MV Semlow, waxaa lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya 27-kii bishii
June isagoo ka yimid magaalada Mombasa, ee dalka Kenya, iyadoo ay saaran
yihiin 10-nin oo shaqaale ah iyo bariis loo siday gobolka Puntland.
Wararka ku dhawdhaw dakada ceelmacaan Ayaan Sheegaya in lagatay beriiskii
Saarnaa markabka MV Samalow Oo Ahaan Macaawino Ay u waday hay ada WFP dadka
Soomaaliyeed Ay wax Yeelado kasoo gaartay sunaamigii ku dhuftay badwayta
Hindiya
Waa markii ugu horeysay taariikhda hay’ada WFP oo markab sida raashin
samafal la afduubto.
Muxyadiin cali jimcaale jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|
|