Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

Markab Cunto Sida oo WFP u dirtay Soomaaliya
 
Cuntada WFP
Cuntada WFP
Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay WFP, ayaa sheegtay in ay markab sida ilaa 1,300 metric ton oo deeq cunta ah in ay u direen goobaha masiibada Tsunami ku habsatay ee Soomaaliya, kaasoo ay sheegeen in uu ka ambabaxay dekedda Mombasa.

Cuntadaasi ayay WFP sheegtay in ay ugu talogashay in ay ku gargaarto ilaa sodon kun oo Soomaali ah oo ay dhibaato ka soo gaareen hirarkii Tsunami ee badwaynta India ee Soomaaliya.

WFP, waxaa ay sheegtay in markii ugu horaysay muddo toban sano ah Gacanka Xaafun oo ka mid ah meelaha ugu daran ee masiibada Tsunamo ay ku dhufatay ee waqooyiga Bari ee Soomaaliya, in ay markii ugu horaysay garoonkiisa diyaaradaha muddo toban sano ah diyaarad ku dajiyeen, inkastoo ay ahayd diyaarad yar oo waday shaqaale WFP ka tirsan, biyo la cabo iyo sahay kale, ayna soo qaaday ilaa shan weriye oo ku sugnaa Xaafun.

WFP, waxay sheegtay in ilaa 312 ton oo cunto ah ay u qaybisay ilaa 19,600 oo qof, masiibadan ka horay, ayaa warsaxaafadeedka WFP lagu sheegay in ay hay'addu quudinaysay ilaa 120 kun oo qof oo ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay gobolka Puntland ee Soomaaliya, iyadoo sahaydii ay hayeena u wareejiyeen sidii loo taakulayn lahaa bulshada xeebta degta ee masiibada Tsunami ay aafaysay.

Cunto lagu qaybinayay Xaafun
Cunto lagu qaybinayay Xaafun

Waxaa WFP sheegtay in sahayda cusub ee ka tagtay Mombasa in ay gaari doonto Boosaaso, ayna ugu talogaleen dhamaan goobaha ay Tsunami ku dhufatay.

Meelaha ugu daran ayay sheegeen in ay gaarayaan ilaa 500 km oo dhinaca xeebta ah inta u dhaxaysa degmada Xaafun iyo magaalada Garacad ee gobolka Mudug, dadka masiibadu saamaysay, ayay WFP sheegtay in ay isugu jiraan kalluumysato, dadka shaqaysanayay cusbada iyo dhul beereedba, waxay sheegeen in qalab badan oo kalluumaysi ay baddu qaaday, goobo badan oo cusbo lagu diyaariyay ay biyo ka buuxsameen, iyadoo beero dhowr ahna ay biyaha tsunami baabi'iyeen.

WFP, waxay kaloo sheegtay in dhinaca ammaanka awgii ay ka walwalsan tahay sidii ay ku tagi lahayd Hobyo oo koonfur ka xigta Puntland, dagaalo qabiil oo halkaasi ka dhacay awgood, iyadoo isla markaana sheegay in ay ku shaqaynayaan sharciyo adag oo dhinaca ammaanka oo u degsan xaaladda ammaanka shaqaalaha Qaramada Midoobay.