|
Warar dheeri ah ayaa laga helaayaayaa markabkii shalay lagu afduubtay biyaha
caalamiga ah ayna afduubteen kooxo Soomaali ah.
Dowlada Greeca oo la sheegay in ay markabkani laheyd ayaa waxa ay waday
ilaa maalintii shalay aheyd baadi goob ay ugu jirto ogaashaha markabkan oo
la sheegay in uu siday Batrool isla markaana ay ugu war dambeysay xukuumadda
Greeca Fiidnimadii khamiista aheyd laguna waayay xeebaha Somaliya meel u
dhow.
Markabkaan oo la sheegay in uu sitay calanka Jamhuuriyadda Malta ayaa
lagu magacaabayay Sancarlos, waxaana kabtan ka ahaa nin u dhashay wadanka
Greece ah, iyadoo 24 shaqaale ay saaran yihiin.
Markabkaan ayaa la sheegay in sidoo kale uu soo direy astaan muujineysa
niyad jab in uu qal qal galay ah meel 170 mile gudaha badda xeebaha
Soomaaliyeed ah sida ay sheegtay waaxda maariinka ganacsiga ee dalka Greece.
Waxaa laga cabsi qabaa hadaba m,arkabkan in ay qafaasheen sida wasaaradu
ay sheegtay kooxihii iyagu horey u qafaashay maalinimadii arbacada aheyd
markab kale oo isna calanka Maltiiska sitey oo lagu afduubtey biyaha
caalamiga ah.
Saraakiil Soomaali iyo kuwa maaltiis ah ayaa waxa ay baadi goob ugu
jireen helista markabkaasi tan iyo markii uu soo direy astaanta lagu
ogaanayo in qal qal uu galay, waxaana arintaan ay ka dhacday gudaha
badweynta sida saraakiisha ay sheegeen.
Markabkaasi Sancarlos ayaa la xaqiijiyay in uu ka soo shiraacday xeebta
Baxreyn isla markaana uu ku sii jeeday K/afrika sida wasaaradu ay sheegtay
xiliga la afduubanayay.
Wararka iminka soo baxayana waxa ay sheegayaan in markabkani uu ku sugan
yahay xeebta Gaan ee degmaad Xarar-dheere ee gobolka Mudug.
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|