Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Markab Mucaawino u siday oo maanta laga af duubtay Xeebta Marka

Markabkan oo lagu magacaabo MV- Miltzow ayaa raashin mucaawino ah ku dajinayay dekeda magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose markii koox dabley ah oo wata labo bistooladood ay gudaha u galeen markabka dabadeedna ay qabsadeen dhamaan waxii saarnaa markabkaasi oo ay ku jiraan labo nin oo ka mid ah ciidanka indho-cadde oo ilaalinayey gudaha markabka lagana qaatay labadii qori ee ay wateen, dabadeedna dhamaan shaqaalihii soomaalida ahaa ee dajinayey raashinka ayaa badda isku soo wada daadsheen markii la amray sidaasi oo xabado kor loogu riday.

waxaana dhacday in nin kenyaati ah oo ka mid ahaa shaqaalaha markabku uu lug ka jabay markii uu iska soo tuuray meel sare oo markabka ah kuna soo dhacay gudaha waxaana sidoo kale soo badbaaday nin kale oo ka mid ahaa shaqaalaha markabka oo iska dhigay inuu yahay soomaali yahay.

Maamulka gobolka sh/hoose oo isku dayey inay qabtaan markabka iyo ragga afduubtay ayay u suuro gali weysay markii 3 doomood oo Volvayaal ah ay ku eryeen markabka oo u dhaqaaqay dhinaca badweynta dababadeedna ay iska soo laabteen doomahaasi markii ay gaari waayeen markabka oo xawaaro dheereeya ku socday.

Markabkan MV- Miltzow ayaa shaqaalahiisa waxa ay ahaayeen 12 qof, iyadoo 10 ka mid ah markabka lagu afduubtey halka labada kale ay joogaan magaalada.

waxaana la sheegay in markabkaan ay iska leedahay shirkad la yiraahod Motaku Shiping Agency oo laheyd markabkii MV Semelow oo laga sii daayay Xarardhere iyo midka iminka lagu haysto xeebaha Xarardheere oo magaciisa la yiraahdo Mv Torgalow, waana markabkii 3aad ee shirkadaasi ay leedahay oo lagu afduubto biyaha xeebaha Somaliya.

Afduubka maraakiibta ganacsiga iyo kuwa sida mucaawinada ee ku soo xiranaya dekedaha Somaliya ayaa noqdey maalmahaan mid ku soo noq noqdey xeebaha wadanka Somaliya

Muxyadiin Cali jimcaale jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya.