Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Markab lagu haystay Xarardheere oo la siidaayey

Markabkaan oo lagu magacaabo Sancarlo kana diwaan gashan dalka Malta oo ay saarnaayeen ilaa 25 shaqaale ayaa lagu soo waramayaa in xalay ay sii daayeen kooxihii heystay ka gadaal markii mudo todobaad ah wada hadal u socday milkilayaasha markabkaasi iyo kooxaha afduubka u heystay la soo gabogabeeyay.

Waxaa la sheegay in kooxahaan burcad badeedka ah ay madax furasho ka qaateen shirkadii iska laheyd markabka, inkastoo aan la shaacin inta ay la egtahay cadadka lacagta ay qaateen.

Markabkaan oo siday shidaal ayaa waxa uu ka yimid dalka Baxreyn, isagoo ku sii jeeday dalka K/afrika markii ay qabsadnayeen kooxaha burcad badeedka ah 9 kii bishaan November.

Kooxahaan burcadcad badeedka ah ee ku soo batay xeebaha Xarardheere ayaa waxa ay heystaan markab kale, iyadoo labo kalena af maleeshiyooyin ku heystaan xeebta Jiidlo ee Puntland halka 3 markab kalena lagu heysto jasiiradda Kooyaame ee gobolka J/hoose.

Todobaadkaan ayaa labo doomood oo ganacsato Soomaaliyeed u raran ay sii daayeen kooxaha burcad badeedka ah, iyadoo ay isi soo tareyso falalka afduubka kooxahani ay ka wadaan xeebaha Somaliya.

Kooxaha hubeysan ee afduubka ka wada xeebaha Somaliya ayaa waxa ay sababtay in ay yaraadaan maraakiibtii ku xiran jirtey dekedda Mombasa ee dalka Kenya sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dekedaasi.

dhowaan ayay aheyd markii burcad badeedaan si dirqi ah uu uga baxsaday Markab dalxiis ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka oo marayay xeebaha Somaliya ka dib markii uu jiirey labo doomood oo ay wateen.

Hya'ada badaha caalamiga ayaa iyadu ka digtay qataraha ka jira xeebaha Somaliya, iyadoo ku tilmaamtay in ay tahay meelaha ugu qatarsan caalamka.

Xeebaha Somaliya ayaa waxa ay noqdeen meelo ay ka qowleystaan burcadbadeedyada tan iyo waxii ka dambeeyay 1991 kii xiligaasi oo ay burburtay dowladii dhexe ee Somaliya dalkuna uu galay Fowdo iyo dagaalo sokeeya.

Dowlada FS ee lagu soo dhisay dalka Kenya kuna kala qeysan Jowhar iyo Muqdisho ayaa iyadu wali wax talaabo ah ka qaadin falalka ay wadaan burcad badeeda Soomaalida ah, inkastoo Ra'isulwasaare Geedi uu ka codsaday caalamka in ay u soo diraan maraakiib Dagaal oo Ceyrsata Burcad badeedaan.

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya