Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

Markab Dalxiis oo ka bad baaday Burcad Badeedka Somaliya

Markab ah kuwa lagu dalxiisa oo aan la sheegin halka laga leeyahay ayaa saakay si dirqi ah uga baxsaday kooxo burcad badeed Soomaaliyeed ah, iyagoo doonaya i markabkaasi ay gacanta ku dhigaan.

Markabkaan oo ahaa kuwa dalxiiska ayaa waxaa la sheegay in lagu weeraray labo doomood oo kuwa yaryar ah oo ay saarnaayeen hubka nuucyada fudfudu iyo kuwa garbaha laga tuuro.

Haweeney madax ka ah markabkaasi oo la yiraahdo Deba Notsha oo u waramaysay shabakada CNN ayaa waxa ay sheegtay in markabka ay saarnaayeen 600 oo isugu jira rakaab iyo shaqaalahii markabka , iyadoo intaasi ku dartay in kabtanka uusan ku dhaqaaqin in uu u digo dadka saaran si uu ugu sheego xaalada Emergency ga, hasa ahaatee waxa uu isku dayay in uu ka fakado labadaasi doomood oo weerarka ku soo qaaday.

Mid ka mid ah rakaabka oo la yiraahdo Mike Rogers ayaa waxa uu sheegay in burcadaan ay isku dayeen in ay toogtaan, iyagoo bambaanooyin ku soo tuuray markabka, hasa ahaatyee kabtanka ayaa isku dayay in uu jiiro doomihii, waxaana suurto gashay in doomihii ay ka fakadeen.

Markabkaan oo lagu weeraray bambaanooyinka gacanta laga tuuro iyo qoryaha nuucyada darandooriga u dhaca ayaa waxaa dhanka hore kaga dhacay markabka Bam ay soo tuureen burcad badeeda, iyadoo qaraxa bamkaasina cid aan wax ku noqon.

Kabtanka Mrakabka ayaa waxa uu sheegay in uu isku dayay in uu dadka kala hadlo sameecadda si ay ugu nagaadaan dhanka hoose ee markabka, isagoo ka baqay hadii ay kor soo fuulaan in la toogto.

Haweeneyda la yiraahdo Deba Notsha ayaa waxa ay sheegtay in qofwalba uu bad qabay marka laga reebo hal ruux oo dhaawac soo gaareen.

K adib markii ay gaareen goobihii ay doonayeen oo ah jasiiradda Sychilles ayaa waxa ay wargaliyeen ciidamada Mareykanka iyo mas'uliyiinta kale ee wadanka Australia oo dadka saarnaa markabkaasi ay u badnaayeen Canadian iyo Mareykan, waxaana ciidamada Mareykanka ay sheegeen in gacanta ay ku soo dhigi doonaan oo ay raadin doonaan burcad badeedkaasi.

Markabkaan dalxiiska ah oo loo yaqaan Spirit uu ka fiirsan doono maritaanka Xeebaha Afrika gaar ahaan Somaliya.
Markab kuwa dalxiisayaasha ah oo aanla sheegin halka laga leeyahay ayaa saakay si dirqi ah uga baxsaday kooxo burcad badeed Soomaaliyeed ah, iyagoo doonaya i markabkaasi ay gacanta ku dhigaan.

Markabkaan oo ahaa kuwa dalxiiska ayaa waxaa la sheegay in lagu weeraray labo doomood oo kuwa yaryar ah oo ay saarnaayeen hubka nuucyada fudfudu iyo kuwa garbaha laga tuuro.

Haweeney madax ka ah markabkaasi oo la yiraahdo Deba Notsha oo u waramaysay shabakada CNN ayaa waxa ay sheegtay in markabka ay saarnaayeen 600 oo isugu jira rakaab iyo shaqaalahii markabka , iyadoo intaasi ku dartay in kabtanka uusan ku dhaqaaqin in uu u digo dadka saaran si uu ugu sheego xaalada Emergency ga, hasa ahaatee waxa uu isku dayay in uu ka fakado labadaasi doomood oo weerarka ku soo qaaday.

Mid ka mid ah rakaabka oo la yiraahdo Mike Rogers ayaa waxa uu sheegay in burcadaan ay isku dayeen in ay toogtaan, iyagoo bambaanooyin ku soo tuuray markabka, hasa ahaatyee kabtanka ayaa isku dayay in uu jiiro doomihii, waxaana suurto gashay in doomihii ay ka fakadeen.

Markabkaan oo lagu weeraray bambaanooyinka gacanta laga tuuro iyo qoryaha nuucyada darandooriga u dhaca ayaa waxaa dhanka hore kaga dhacay markabka Bam ay soo tuureen burcad badeeda, iyadoo qaraxa bamkaasina cid aan wax ku noqon.

Kabtanka Mrakabka ayaa waxa uu sheegay in uu isku dayay in uu dadka kala hadlo sameecadda si ay ugu nagaadaan dhanka hoose ee markabka, isagoo ka baqay hadii ay kor soo fuulaan in la toogto.

Haweeneyda la yiraahdo Deba Notsha ayaa waxa ay sheegtay in qofwalba uu bad qabay marka laga reebo hal ruux oo dhaawac soo gaareen.

K adib markii ay gaareen goobihii ay doonayeen oo ah jasiiradda Sychilles ayaa waxa ay wargaliyeen ciidamada Mareykanka iyo mas'uliyiinta kale ee wadanka Australia oo dadka saarnaa markabkaasi ay u badnaayeen Canadian iyo Mareykan, waxaana ciidamada Mareykanka ay sheegeen in gacanta ay ku soo dhigi doonaan oo ay raadin doonaan burcad badeedkaasi.

Markabkaan dalxiiska ah oo loo yaqaan Spirit uu ka fiirsan doono maritaanka Xeebaha Afrika gaar ahaan Somaliya.

Muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho somaliya