| |
Dowlada
Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay soo
dhoweenayso wada xaajood dhex mara labada garab ee dowlada FS ee is
khilaafsan.
Mareykanka ayaa sheegay in uu soo dhoweenayo dadaaladii dhowaa ee xubnaha
baarlamaanka oo taageera ka helaya bulshada rayidka ay ku heshiisiinayaan
hogaamiyayaasha is khilaafsan ee dowlada FS ee lagu soo dhisay dalka Kenya.
Bayaan uu shalay ka soo saaray Soomaaliya, ayaa afhayeenka ku xigeenka
waaxda arrimaha dibada Mareykanka Adam Ereli waxa uu sheegay in Mareykanka
uu quudareenayo in kulan buuxa uu dhexmaro golayaasha dowlada Soomaaliya,
isla markaana kulankaasi uu noqdo mid guuleysta.
Mareykanka waxaa qorshaha ugu jira inuu ku boorinayo dowlada Federalka
Soomaaliya inay si dhaqso ah uga gudbaan khilaafaadka dhexyaala, iyadoo meel
hoose wadahadalka laga soo bilaabayo.
Mareykanka ayaa si xoogan u taageeraya dhismaha dowlad dhexe oo shaqeenaysa
oo Soomaaliyeed oo awood u leh in ay dadka Soomaaliyeed ka soo saarto
xiligii dheeraa ee dagaalada sokeeye.
Bishii March ee samadkan, ayaa bayaan ka soo baxay waaxda arrimaha dibada
Mareykanka waxaa lagu amaanay hanaanka urur goboleedka IGAD iyo Midowga
Afrika ay u wajaheen sidii Soomaaliya loogu dhisi lahaa dowlada Federaal ah.
Soomaaliya, ma laheyn dowlada qaran ilaa bishii January sanadkii 1991-kii,
iyadoo isla markaana ay burbureen kaabayaashii nolosha.
Muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho somaliya
|
|