Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dib u dhac ku yimid kulankii lagu nabadeyn lahaa garabyada RRA_da.

Shirkan la doonayay in la isugu keeno labada garab uu ukala jabay ururkii RRA-da ee maamuli jiray gobolada Bay iyo Bakool ayaa lagu waramayaa inuu ku yimid dib u dhac aan la filayanin .

Odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ee daga gobolada Bay iyo Bakool shirkana soo abaabulay ayaa illaa iyo iminka aan ka hadlin sababaha keenay in uu dib u dhaco kulankii la doonayay in la isku soo horfadhiisiyo madaxda kala hogaamisa labada garab ee RRA oo kale ah xildhibaan Maxamed Ibraahib Xaabsade ,Wasiirka beeraha Xasan Maxamed Nuur iyo wasiirka garsoonrka Sheekh Aadan Madoobe.

Kulankan oo ujeedkiisa buuxa ahaa in la heshiisiiyo garabyada dirirar ee RRA-da ayaa la filayay inuu ka dhaco tuulada Sarman dheer oo magaalada Mqudisho u jirta 40 kiilo mitir.

Malaaq Isxaaq oo isagu ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Digil Iyo Mirifle ayaa sheegay in dib loo dhigay kulankan ilaa iyo maalinta bari isagoo sababta baaqashada kulankanna ku sheegay sababo farsamo.

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa tilmaamaya in kulankan uu baaqday ka dib markii ku xigeenka xildhibaanka gacanta ku haya magaalada baydhabo uu sheegay in kulanka Sarman dheer aanu ahayn kulan loo dhan yahay oo aanu ka warqabin.

Mas'uulkan oo lagu magacaabo Aadan Saransoor ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu sheegay in shirka furmaya aanu ahayn shir loo dhan yahay inta ajindayaasha laga wada hadlayo aan lala socodsiin.

Maxamed Cumar Sheekh.

Rochester Somali Tv ,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com