|
Maamulak Puntuland oo xumaaday R/wasaare Geedi oqqonsiga uu siiyey
Solmaliland
Madaxweyne K/xigeenka dowlad goboleedka Puntland Xasan Daahir Afqurac
ayaa waxa uu dhaliilay hadal dhowaan ka soo yeeray Ra'isulwasaare Geedi,
hadalkaasi oo ogolaasho ku siinaya maamulka Somaliland in ay ka go'aan
Somalia inteeda kale.
Madaxweyne K/xigeenka Puntland oo saxaafadda u waramay ayaa waxa uu
sheegay in hadalkaasi uu waafaqsaneyn dastuurka dowladda FS, waxa uuna xusay
in loo baahan yahay in xildhibaanada Baarlamanka Somaliya ay talaabo ka
qaataan arinkaasi, Waxa uu sheegay in uusan isaga u furneyn in uu hadalo
badan ka sii yiraahdo arimahaasi.
Ra'isulwasaare Geedi ayaa waxa uu horey u sheegay in hadii maamulka la
baxay Somaliland uu caalamka uu aqoonsado dowladuna ay aqoonsaneyso,
arintaasi oo aad ay uga caroodeen inta badan dadka Soomaaliyeed oo tilmaamay
in Somaliya haatan la bilaabayo in la kala googooyo.
Muxyadiin Cali jimcalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|