Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maamul goboleedka Puntland oo ku adkaysanaya in xaq uu u leeyahay inuu la heshiiyo shirkada shidaalka miduu uu doono iyadoo aanay ka warqabin dowlada kmg ah.

maamul goboleedka ayaa wasiiro ka socda ay ku sugan yihiin magaalada Jowhar halkaasina wadahadalo ay kula leeyihiin xubnaha labada gole ee halkaasi ku sugan ayaa weli ku adkaysanaya in xaq uu uleeyahay soo saarista shidaalkka ku aasan dhulka uu ka arimiyo iyadoo uu la heshiin karo shirkad walibo uu doono iyadoo aanay ka warqabin dowlada ku meel gaarka ah ee wadanka Somalia.

Wasiirada ka socda maamul goboledka Puntland ee wadahadalada la leh wasiirada Jowhar ayaa waxaa horkacaya wasiirka maaliyda waxaana maanta ay yeesheen labada dhinac kulan .

Kullanka maanta ay yeesheenb labada dhinac ayaa qorka u istaagay in lagu kala dareero laakiin waxaa soo kala dhex galay labada dhinac madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo ra'isulwasaare Cali MAxamed Geedi oo labada dhina u sheegay in wadahadalkoodu uu ku dhaco si degan .

Xubnaha maamul goboleedka Puntalnd ayaa aqbaly codsigiu madaxweynaha iyo ra'isulwasaaraha waxa ayna dib ugu laabteen kulankii oo aanla ogayn ilaa iyo imina waxa kasoobaxay.

Xubnaha Jowhar ku sugan ayaa doonaya in shidaalka Puntalnd uu hoos imaado dowlada ku meel gaarka ah taasoo maamulka Puntland uu si weyb uga oso hor jeedo.

Maxamed Cumar Sheekh.

Rochester Somali Tv,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com