|
Tirada xubnaha Gobalka Banaadir uu yeelanaayo oo maanta la soo bandgigay
Gudigii uu Gudoomiyaha Baarlamanka u xil saaray maamul u sameynta gobolka
Banadir ayaa kulan dheer oo ay maanta ku yeesheen Hotelka Amiira waxa ay ku
heshiiyeen 64 xubnood oo uu yeelanayo maamulka gobolka Banadir.
Kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah isla markaana ay albaabada u xirnaayeen
ayaa gabagabadii waxaa saxaafadda uga war bixiyay waxyaabihii kulanka la
iskula soo qaaday afhayeenka xubnaha labada gole ee Muqdisho Col.
Cumarxaashi Aadan, oo sheegay in ay isku raaceen 64 xubnood oo ah Gole
degaan oo u yeelanayo maamulka cusub ee gobolka Banadir, isagoo sheegay in
ay qeybiyeen qaabkiii beelaha Somalida u kala qaadan lahaayeen xubnaha
golahaasi,
Cumar Xaashi waxa uu intaasi ku daray in maalinta berri ah kulanka ay
yeelanayaan xubnaha Muqdisho ay u gudbin doonaan go’aanka ay maanta gaareen,
iyadoo xubnaha baarlamankuna uu ansixin doono.
Waxa uu sheegay in xubnaha lagu heshiiyay maanta oo xeerka maamulka
gobolka Banadir tilmaamayo in ay awood u leeyihiin dhisitaanka maamulka
gobolka Banadir, isagoo intaasi raaciyay in Berri ay soo bandhigi donaan
saamiga qabiilkasta uu ka helay xubnaha golahaasi.
Gudigii Loo xilsaaray maamul u sameynta gobolka Banadir oo ka kooban 57
xubnood ayaa iyagu tilmaamay in ay ku guuleysteen sameynta xeerka dhismaha
maamulka cusub ee gobolka Banadir.
Kulankii maanta oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha
wasiirada ee Muqdisho ku sugan iyo xildhibaano fara badan oo sababta ay
howlaha la xiriira maamulka gobolka Banadir ay u wadaan uui Cumar Xaashi ku
macneeyay in aysan aheyn in iyagu ay maamul magacaabayaan balse ay u
fududeynayaan qaabkii dadka gobolka ay wax ku dooran lahaayeen.
Muxyadiin Caki jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho somaliya
|