Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maamulka Gobolka banaadir ee uu Mgacaabay R/wasaare oo sheegay inay ka hor tagaayaan kuwa ka Ganacsada Culimada Somaliyeed,

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Dhagax-tuur ayaa sheegay inuu wax ka qabanayo dadka afduubka loogu geysto Muqdisho, isagoo sheegay inay ayaandarro tahay in Culimada iyo wadaada Muqdisho ay xirxiraan dad ku hubeysan Muqdisho oo u dhoofiya xarunta geeska Africa ee Mareykanka uu ku leeyahay dalka Jabuuti.

Dhagaxtuur ayaa waxa uu sheegay inuu ka warhayo dadka arintaasi u dhaqdhaqaaqaya,waxa uuna sheegay in shacabka Banaadir ay iska dhicin doonaan dadka xirxiraya Culimada.

Waxa uuna dhinaca ku celiayay in C/llaahi Firimbi uu yahay shaqsi ka mid ah dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir oo aanu sheegan karin wax jago ah, waxaa uuna ugu hanjabay xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho inay dhigaan dibadbax iyo dhagdhaqaaq aan iyaga ka maamul ahaan u soo marin, waxa uuna tilmaamay inay ku xushmeynayaan shaqooyinkooda iyo xilalka ay u magacaaban yihiin , balse aaney soo faragelin howlaha Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale waxaa uu canbaareeyey dadka kaganacsanaayo culimda uu sheegay inay dhoofinayaan sida xoolaha inay ka waan tooban oo shaqsi somali ah oo muslim ah lagu sheego wax uusan ahayn waxana uu talaabadasi ku tilmaamay inay tahay mid lagu waxyeelaynaayo culimo aan wax gaysan iyo loo maraayo wado dhaqaalo lagu helo,

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya