Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maleeshiyooyin kale oo reer Puntland ah ayaa ku soo wajahan Jowhar iyo kuwii horey u joogay halkaasi oo loo rarayo Waajid.

Maleeshiyooyin hor leh oo Reer Puntland ah ayaa lagu wadaa in dhowaan ay soo gaaran magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe oo xarun u ah garab ka mid ah dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf.

Maleeshiyooyinkaan oo laga soo uruuriyay gobolada Puntland ayaa lagu wadaa in ay soo dhex maraan gudaha wadanka Ethiopia gaar ahaan gobolada ismaamulka Soomaalida ee kalinka 5aad, halkaasi oo ay uga soo gudbi doonaan magaalada Jowhar sida ay xaqiijiyeen xilo muhiim ah oo ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Maleeshiyooyinkaan ayaa la sheegay in ay badali doonaan kuwii horey u joogay xerada Conga ee tababarka u dhamaaday oo lagu wado in loo raro dhinaca degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay ku sugan yihiin maleeshiyooyin kale oo taabacsan wasiiro ku fikir ah Madaxweyne C/laahi Yuusuf.

Dhowaan ayay Aheyd markii Gudoomiyaha maamulka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere uu beeniyay in uu codsi u gudbiyay Madaxweyne C/laahi Yuusuf, oo uu kaga dalbaday in la dhimo tirada maleeshiyooyinka Reer Puntland ee jooga magaalada Jowhar..

Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula

Muqdisho

Jakuula@hotmail.com