Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Maleewshiyooyinkii ku xareysnaa Ex xeradii qaxootiga ee Luuq-jelow ee dhanka K/galbeed ee magaalada B/weyne ayaa waxa ay soo gaareen xalay gobolka Sh/dhexe

Wararka soo garaya xarunta Midnimo ayaa shegaya in maleewshiyooyinkii ku xareysnaa Ex xeradii qaxootiga ee Luuq-jelow ee dhanka K/galbeed ee magaalada B/weyne ay soo gaareen xalay gobolka Sh/dhexe.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar oo xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Maleeshiyadii Beelaha hiiraan laga soo Ururiyay ee kusugnaa xerada Luuq-Jeeloow ay soo gaareen magaalada Jowhar.

Ciidankan oo aan si rasmi ah tiradooda loo sheegin ayaa hadana lasheegay inay ahaayeen ciidan u diyaar garaysnaa inay kamid noqdaan xoogga dalka kuwaasoo ku labbisnaa dharkii tuutaha oo Dowladaha Yamen iyo Itoobiya ugu deeqan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararkii ugu danebeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Jowharna waxay sheegayaan in ciidankaasi uu tabo bar uga furmay magaalada Jowhar.

Ciidamo kale oo ku dhow 1,000 askari ayaa laga filayaa inay ka yimaadaan gobollada Baay iyo Bakool , kuwaasoo tababar uga socday deegaamo katirsan gobolka Bakool,gaar ahaan Degmada Waajid

Wasiirka Garsoorka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in dhawaan Ciidamadaas ku soo biiri doonaan kuwa xerada Koongo ee degmada Jowhar tababarka ugu socda.

Warar kale ayaa sheegaya in hub kala duwan oo u badan qoriyaha yar yar laga dhacay Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii kolonyo Baabuur ah ayna la socdeen Maleeshiyo laga keenay Hiiraan Jidka Loo galay kadibna hub fara badan lagala wareegay.

Maleeshiyooyinkaan oo la sheegay in laga furtey ilaa 35 qori oo nooca AK47 ka loo yaqaan, iyadoo goobta looga furtey hubka maleeshiyooyinkaan daacadda u ah dowladda ay tahay degaanka Buurweyne oo ilaa iyo 45 km dhanka Koofureed kaga beegan degmada Buulo Burde.

Maleeshiyooyinkaan oo ku soo jeeday degmada Jowhar ee xarunta u ah dowladda KMG ayaa waxaa la sheegay in ay qeyb ka noqon lahaayeen maleeshiyooyinkii Puntland ee todobaadkii aynu ka soo gudubnay soo gaaray magaalada Jowhar, kuwaas oo markii ay soo gaareen Jowhar dhaleecen fara badan la kulmeen.

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada ugu qeybsan Madaxweyne C/laahi Yuusuf inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in maleeshiyooyinkii hubka laga furtye ay wali ku sugan yihiin degaanka Buurweyn.

Muxyadiin Cali Jimcaale Jakuula
Muqdisho Somaliya