Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maleeshiyooyinkii Luuq oo ku soo biiray kuwa Wajid

labada gole ee dowladda KMG ah ee ku sugnaa magaaladaasi iyo maleeshiyooyin fara badan oo wata baabuurta dagaalka ay shalay u ambabaxeen magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Xubnahan oo isugu jira wasiiro,wasiir K/xigeeno iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG ah ayaa waxaa hogaaminayay wasiirka hantida qaranka iyo Qalabeynta Max'uud Sayid Aadan

waxaana sidoo kale xubnahan safarkooda ku wehliya mas'uuliyiin iyo waxgarad kale oo ka tirsna beesha Sade, kuwaasi in mudo ah ka waday degaano ka tirsan gobolka Gedo howlo nabadeyn ah.

Wafdigaan ayaa lagu soo waramayaa in safarkooda ay ku wehliyaan maleeshiyaad ka badan ilaa 100 nin iyo dhowr baabuur oo kuwa dagaalka ah, kuwaasi oo sida la sheegay ku biiraya ciidamo kale oo halkaasi lagu tabobarayo in mudo ah.

Wasiirada ku sugan Degmada Waajid ayaa la sheegay inay diyaar u yihiin soo dhaweynta Wafdigan iyo Maleeshiyada la socota,waana markii ugu horeysay Maleeshiyo ka timid luuq ay ka mid noqdaan kuwa Waajid ku jira tan iyo markii la soo dhisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muxyadiin Calim Jimcaalle Jakuula

JAKUULA@HOTMAIL.COM

Muqdisho Somaliya