Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Qaar ka mid ah maleeshiyooyinka Reer Puntland ee ku sugan Jowhar oo loo rarayo Degmada Waajid.

Qaar ka mid ah maleeshiyooyinka Daacada u ah Madaxweyne C/laahi Yuusuf ee ku sugan magaalada Jowhara gaar haan xerada Congo ayaa lagu wadaa in loo raro dhinaca degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Ilo Muhiim ah oo ku sugan gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay RSTV u xaqiijiyeen jiritaanka arintaan, iyadoo aan la shaacin waqtiga rasmiga ah ee la bilaabayo raritaanka maleeshiyooyinkaan, balse waxaa jira qorshayaal isi soo tarayo oo ladoonayo in lagu qaado maleeshiyadaan oo ay wadaan saraakiilku dhow dhow Madaxweyne C/laahi Yuusuf.

Lama shaacin tirada rasmiga ah ee maleeshiyooyinka Reer Puntland ee loo qaadayo dhinaca degmada Waajid ee gobolka Bakool, iyadoo degmadaasi ay ku sugan yihiin maleeshiyooyin tababar la siiyay oo taabacsan wasiiro iyo xildhibaano ku fikir ah Madaxweyne C/laahi Yuusuf.

Qorsheyaasha loogu rarayo maleeshiyooyinka reer Puntland dhinaca degmada waajid ayaa ku soo beegmay xilli qaban qaabadiisa ay socoto kulan lagu wado in uu ka dhaco magaalada Kismaayo oo la doonayo in lagu dhex dhexaadiyo garabyada dowladda FS ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar.

Lama oga xiligaan sababta keentay in la bilaabo qorsheyaal maleeshiyooyin loogu rarayo gobolka Bakool, iyadoo dhowaan ay aheyd markii maleeshiyooyin daacad u ah Max’ed dheere iyo kuwa C/laahi yuusuf uu iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac uu ku dhex maray duleedka magaalada Jowhar, iska horimaadkaasi oo uu ku geeryiyooday hal ruux dhaawacna uu ka soo gaaray 2 kale oo intooda ka wada tirsanaa Maleeshiyooyinka C/laahi yuusuf

Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula

jakuula@hotmail.com