Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Qaar ka mid ah Maleeshiyada Beesha Saleebaan oo isku Raacday inay xiraan dekada Ceel Macaan ee duleedka Magaalada Muqdisho

Maleeshiyada Beesha Saleeban ee degaanka Xarardheere ayaa waxay qaateen Mowqif ah in aan Badda Soomaaliya soo marin Maraakiibta Ganacsatada Soomaaliyed u raran iyo kuwa hay’adaha Gargaarka u raran.

Markab ay u raran yahay Ganacsato Soomaaliyed ayaa lagu haysta xeebta Xarardheere ee Gobolka Mudug,waxayna sheegeen Maleeshiyada afduubatay inay Xayiraad ku soo rogeen Dekedda Ceel Macaan oo ay ka sheegteen inay uga baxday ballan ay lahaayeen.

Afhayeen u hadlay Beesha Saleebaan ayaa waxaa uu sheegay inay hadda haystaan Labo Markab oo mid ay leedahay WFP mid kalena uu raran yahay Ganacsato Soomaaliyed,wuxuuna sheegay Afhayeenkaas inay Maxkamad soo taagi doonaan markabka WFP.

Beesha Saleebaan waxay sheegtay in wixii hadda ka dambeeyo xiri doonaan Dekedda Ceel Macaan,sababtuna waxay ku sheegeen in Maamulka Ceel Macaan qalad ka galeen dadweynaha degaanka Xarardheere.

"Markii lagu heshiiyay in Markabkii WFP Raashinkii saarnaa lagu dejiyo Ceel Macaan, waxaa ballantii ka baxay Maamulka dekedda, taasi ayaa keentay inaan qabsadano Maraakiibta Ganacsatada"ayuu yiri Afhayeenkaas.

Dhinaca kale Jen Maxamed Nuur Galal ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyed inay ka hortagaan kuwa Isbaarada dhiganaya badaha Soomaaliya,isagoo markaasi ula jeeday Maleeshiyada haysta markabka ganacsatada ay lee yihiin

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya