Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

Maleeshiyooyinkii lagu xareeyey Hiilwyne oo maanta mushaaraad la siiyey

 Galabta saacadu Markey aheyd  3:00-dii galabnimo ayaa xerada Hiilweyne oo ku taala gobalka shabeelaha dhexe waxaa gaaray wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda DFKS,halkaasoo mushaharooyinkii ay ugu qeybiyeen maleeshiyooyin  dhawaan magaalada Muqdisho laga saaray .

Xubnihii dawlada ka socday ee halkaa tagay  waxaa hoggaaminayay madaxa guddiga mushaar siinta maliishiyooyinka Maxamuud C/llaahi Jaamac Sifir ahna ra’usulwasaare ku xigeenka dawlada ,waxaana ka mid ahaa xubnahii la socday wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta  maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, ,xildhibaanno,ururada bulshada rayidka  iyo xubno.Masuuliyiintu Markii hore waxaa ay billaabeen khudbado ay maleeshiyooyinka u jeediyeen,ugu horeyntii waxaa halkaa ka hadlay wasiirka  ganacsiga Muuse Suudi oo maliishiyooyinka ugu hambalyeeyay sida wanaagsan ee ay tababarka uqaadanayaan.

 Ra’isulwasaare ku xigeenka Maxamuud C/llaahi Jaamac Sifir oo halka sana ka Hadley  ayaa sheegay in bil ka hor markii xerada    uu yimid ay ula muuqatay meel lama dagaan ah,laakin uu maanta  ku faraxsanyahay in uu arko xerada Hiilweyne oo mudo dheer kaddib deegaan usoo  muuqatay. kadibna waxaa hadalkii qaatay  wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqancelinta maleeshiyooyinka Bootaan ciise Caalin oo asna sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu arko maleeshiyooyinkii lagaga cabanayey Muqdisho oo haatan u muuqanaya kuwo isbedeley oo bulshada wax u qabankara.

 Mushaharooyinkan   maleeshiyoyinka loo qeybiyay ayey mas’uuliyiintu sheegeen in bil walba la siin doono, lacagtan la siiyey maleeshiyaadka ayaa  laga soo ururiyey  ganacsatada ,haweenka iyo mas’uuliyiinta gobalka banaadir,iyadoo kaaalmada ugu ballaarana ay bixiyeen haweenka gobalka Banaadir,masuuliyiintu ay sheegeen in ay jirto xero kale oo lageynayo maliishiyooyin la doonayo in lagasaaro magaalada Muqdisho,laakin waxaaa ay ka gaabsadeen in ay carrabbaabaan xerada 3-aad ee ciidammada la geyndoono iyo halka ay ku taallo..

Masuuliyiintan ayaa qeybinta lacagaha ka hor waxaa ay mahad celin ablaaran  u jeediyeen dhamaanba intii gacanta ka geysatay  mushaarkan la siiyey maleeshiyooyinka.Maleeshiyaadkan ayaa maanta  midkiiba la siiye  halmilyan oo  shilinka Soomaaliga ah,,ayadoo raisulwasaare ku xigeenka Sifir uu sheegay in aaney jirin kaalmo ay ka heleen bulshada soomaaliyeed ee ka baxsan gobolka Banaadir

 

Maxamed Cumar Sheekh(Maxamed Cadde)

Muqdisho