XAALADA DIB U URURINTA HUBKA EE MAGAALADA MUQDISHO
Waxaa maal mahanba ka socday Magaalada Muqdisho hawl hub uruurin oo
ay wadeen hogaamiyo kooxeedyadii ku hubeysnaa caasimada Xamar oo haatan
ku magacaaban masuuliyiin ka tirsan xubnaha labada gole ee DFKS. Hawshan
oo ay soo dhaweeyeen dhamaan shacbiga reer Muqdisho, Masuuliyinta
dawlada ee kusugan Narobi iyo dawladaha daneeya arimaha
Soomaaliya.Talaabadan oo ku bilaamatay si dar dar ah ayaa hada ah mid
aanay waxba ku soo kordhin tan iyo markii hawshan bilaamatay mudo hada
laga joogo todobaadyo. Maleeshiyadan oo la isugu geeyay laba goobood oo
kala ah Hiilwayne iyo Laanta buuro, ayaa lagu qiyaasayaa tiradooda 500
ilaa iyo 700 oo maleeshiyol gaadiidkooduna yahay ku dhawaad 70 baabuurta
gaashaaman ah .dhaqaalaha lagu masruufayo maleeshiyadan ayaa ka kooban
mid ay iska uruuriyeen qurba joogta iyo ganacsatada kusugan Muqdisho,
waxaana sidaa saxaafada u xaqiijiyay masuuliyiinta labada gole ee
hawshan gacanta kuhaya .
Mar wax laga waydiiyay Wasiirka dhaqan celita mundane Bootaan Ciise
Caalim dhaqaalaha ay hawshan u hayaan fulinteeda ayaa waxa uu daaha ka
qaaday in aanay wax dheeq lacageed ah oo hawshan ku filan aanay haba
yaraatee u hayn waqtigan xaadirka ah. Sidookale Gen. Maxamed Nuur Galaal
oo ah masuulka u xil saran tobabarida maleeshiyada ayaa warbaahinta u
sheegay in xaalada baabuurta gaashaaman ee ilaa hada soogaaratay labadan
xero ay tahay mid aan wanaagsaneyn isaga oo sababta ku sheegay in
qoryaha baabuurtan saaran ay yihiin kuwo aan dhacaynin oo aan la
isticmaali karin iyo kuwo ay rasaastoodii ka maqantay. Jananku waxa uu
sheegay in cilada arintan ka danbaysaa ay tahay is aamin la'aantii
horjoogayaasha kooxaha hubaysan oon wali is badal wayn aanu ku dhicin .
Sida ay sheegayaan dad u dhuun daloola hubkadhigista maleeshiyada ayaa
ka dayrinaya guul ka dhalata arintan hadii aan xal loo helin kala
duwanaanta masuuliyiinta labada gole ee ku kala sugan muqdisho iyo
Nairobi. Sababta oo ah dhaqaalo darada jirta oon looga maarmeyn in
masuuliyiinta dawlada ugu sareysa in ay u qoondeeyaan misaaniyada ku
baxaysa hawshan iyo in aanay hawshan oo kale ka daba sameyn marka ay
dalka ku soo laabtaan dhamaadka bishan.
Abdifatah Maxamed Abdinur
RSTV Minnesota, USA