Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Kooxo Maleeshiyo oo ku Dagaalamay Tuulo ka tirsan Sablaale oo la kala qaaday

Kooxihii Maleeshiyooyin koodii dagaalka ku dhex maray xalay Tuulada Sablaale ee gobolka Sh/hoose ayaa maanta la kala qaaday ka dib markii odayaal iyo waxgaradka degaankaasi ay ku baxeen sidii arinkaasi ay wax uga qaban lahaayeen.

Xaalada Tuulada Haawaay ayaa iminka dagan waxaana gaaray halkaasi waxgarad beeleedyo si loo joojiyo dagaal qaraar oo xalay ku dhex maray labo maleeshiyo beeleed, iyadoo dagaalkaasi uu sababay geerida 3 ruux isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 7 ruux.

Inta badan dadkii ku waxyeeloobay dagaalkaasi oo u badnaa rayid xabadu ay haleeshay iyagoo jiifa gurigooda ayaa qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay waxaa lagu daweynayaa goobaha sida gaarka loo leeyahay ee degmada Sablaale.

Waxaa dib ugu soo laabtay tuulada Haawaay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ka dib markii lakala qaaday maleeshiyooyinkii isku horfadhiyay degaakaasi, sida ay RSTV u xaqiijiyeen qaar ka mid waxgarad beeleedyadii ku baxay in ay joojiyaan xiisadaasi oo markeedii hore ka dhalatay gacan ku heynta isbaaro taalay degaankaasi oo ay isku qabsadeen maleeshiyooyinkii halkaasi ku dagaalamay, mana ahan markii ugu horeysay oo dagaal uu ka dhaco tuulada Haawaay inta la ogyahay.

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya