Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 


Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Iyo Ra段isul Wasaare Geeddi oo ka qeyb galalya Xaflada maalinta nabada Aduunka

Maalinta Nabada Aduunka ayaa maanta laga xusayaa qaar ka tirsan Gobolada Soomaaliya,iyadoo Magaalada Jowhar ay ka mid tahay meelaha sida aadka ah looga xusi doono.

Wararka aanu ka helnay Xafiiska magaalada Jowhar ay ku leedahay women care waxa ay sheegayaan in maanta laga yaabo in Madaxweynaha iyo Ra段isul wasaaraha ay ka qeyb qaataan munaasabadan maanta.

Sida uu ii xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan Xafiiska ay hay ada ku leedahay magaalada Jowhar ayaa ii sheegay in Madaxweynaha iyo Ra段iusl Wasaaraha ay gaarsiiyeen Warqad casuumaad ah.iyadoo la filayo in maanta ay ka qeyb qaataan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra段isul Wasaare Cali M. Geeddi.

Xaflada maanta ka dhici doonta Xafiiska Hey誕dda Women Care oo marka Magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan WOCA, ayaa la sheegay in ay sidoo kale kasoo qeyb geli doonaan Xubnaha Labada Gole ee ku sugan Magaalada Jowhar,waxaana sidoo kale la sheegay in kaalin ka qaadanayaan xafladan Maalinta Nabada Aduunka Hey誕daha ka hawl gala Jowhar.

Madaxweynaha iyo Ra段isul Wasaaraha ayaa la sheegay in labaduba ay aqbaleen warqada casuumaada ah ee Xaflada Maalinta Nabada Aduunka sida ay inoo Xaqiijiyeen saraakiil katirsan hayada Women Care

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya