Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
 

C/laahu Yuusuf oo todobaadka soo socda imanaya Jowhar.

 
sida ay xaqiijinayaan warar aanu ka helnay magaalada Jowhar ayaa sheegaya in todobaadka soo socda uu magaalada Jowhar kusoo fool leeyahay madaxweynaha jamhuuuriyada federaalka Somalai C/laahi Yuusuf Axmed  iyo wafdi ballaaran uu horkacayo.
 
wafdiga madaxweynaha ayaa magaalada ku imanaya dayaarada taasoo ka duwan qorshihii horey loo shaaciyey oo ahaa ion madaxweynuhu uu safar xaggaa dhulka ah ku imanayo magaalada Jowhar.lama oga waxa dhabta ee ka danbeeya in qorshahaasi laga tala baxo laakiin wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa arintaasi ku maneeyey wadada oo aaad u burbursan darteed.
 
waxaa soo baxaya warar sheegaya in wadada u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Jowhar ay noqotay waddo amaankeedu uu halis yahay madaxweynuhuna aanu kasoo dhiiran karin waddo sidaa amaankeedu u xunyahay inuu socdaal kusoo sameeyo.
dayaar garaw ballaaran ayay wadaan xubnaha labada gole ee magaaladaasi ku sugan ayadoo walli aan la shjeegin maalinta uu madaxweynaha imanayo.
 
Salad cali Jeelle wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa maanta sheegay in maalinta uu imanayo madaxweyanaha ay dib kala soo socodsiin doonaan saxaafada iyo dadka ku dhaqan magaalada jowhar.
 
Maxamed Cumar sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv  Muqdisho.