Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Madaxweynaha Somaliya C/laahi Yuusuf oo sheegay inuu cagta marinaayo Argagixisada ku dhuumaalaysanayso somaliya

Madaxweynaha Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa tilmaamay in Ciidamada Maraykanka ee jooga Wadan ka Ciraaq ay ka soo bixi doonaan dhamaadka Sanadkan kadibna lagu wado inay yimaadaan Geeska Afrika gaarahaan Somaliya oo laga baqaayo inay hoy u noqoto Argagixisad

Madaxweyanaha Dowladda federaalka C/laahi Yuusuf Axmad aya sheegay inay cagta marin doonaan kooxaha argagaxisada ah ee ku sugan dalka Soomaaliya mar uu wareysi siinayay TV-ga Aljasiira xaruntiisa Doha ee dalka Qadar.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay jiraan kooxo yar oo diidan Dowladda hase ahaatee waxaa uu sheegay inay la hadlayaan,isagoo intaa ku daray inaan loo baahneyn in Caalamku uu ka qeyb qaato wdahadalka ay la gelayaan waxa uu ku sheegay kooxda tirada yar oo sida muuqata uu ula jeeday Hogamiyasha hubeysan ee Muqdisho.

Wareysigaas ayuu Madaxweynuhu ku sheegay inuusan dooneynin inuu la hadlo kooxaha uu ku tilmaamay argagaxisada ee jooga Soomaaliya, waxana uu sheegay iay tirtirayaan inta lagu jiro nabad ku soo dabbaalidda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhiftay inay uruurin doonaan hubka ku jira gacmaha shacabka isla markaasina ay la wareegi doonaan hubka Maxaakiinta iyo Ganacsatada, isagoo xusay in laga dhigi doono Ciidamada Qaranka haddii ay doonaan.

Mar uu ka hadlayay sun ku shibista xeebaha Soomaaliya waxaa uu hoosta ka xariiqay inay jirto hase ahaatee waxaa uu sheegay in wax laga qabanayo marka uu dhamaado hanaanka nabad suggidda dalka oo haatan socota,isagoo tilmaay inay ka danbeeyaan Ganacsato Soomaaliyeed

Madaxweynaha Somaliya ayaa sidd kale sheegay hogaamiyaasha Muqdisho ku hubaysan kana tirsan Dowladiisa ee haatan diidan hanaanka lagu wado in nabad looga dhaliya Somaliya ay arki doonaan iyogoon wax awood ah ku leh Magaalada Muqdisho ayna arki doonaan iyadoo gacata ugu jirta Wadaada Hubaysan

Ugu danbeeystii TV-ga Aljasiira waxaa uu weydiiyay Madaxweynaha sida iuu u arko jamhuuriyadda Somaliland,waxaa uu yiri, koley diyaar uma nihin inaan xoog u adeegsano soo celintoodda hase ahaatee wadahadal ayaan la geleynaa

Musyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya