|
Madaxweynaha dawlada FS oo booqday
xarun ciidan oo ku taalla Garoowe.
Madaxweynaha dawlada Fs C/laahi
Yuusuf Axmed iyo mas'uuliyiin kale oo kala tirsan dawlada kmg ah iyo maamul
goboleedka Puntland ayaa maanta booqosho ku tagay xereda ciidamada xooga
dalka Somaliyeed ee 54 aad .C/llaahi Yuusuf ayaa la sheegayaa inuu halkaasi
hadak gaaban uga jeediyey ciidamadii xeredaasi ku jiray wuxuuna u sheegay
unii ku faraxsanyahay in uu arko ciidamadii qaranka Somalia oo meel fadhiya.
Madaxweynaha oo markii uu halkaa
booqanayey la socday madaxweynaha Puntland Gen Cadde Muuse Xirsi ayaa lagu
waramayaa in lagu wareejiyey gacan ku haynta xeradaadi oo ku wareejiyey
madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha Somalia ayaa la sheegayaa
in markii ugu horeysay tan iyo markii uu iska wareejiyey xilka
madaxweyninimada Puntland ayaa waxa uu kulan la yeeshay golaha wasiirada
maamulkaasiMadaxweyne C./laahi Yuusuf ayaa la filayaa sida warar aan halkaa
ka helay ay tibaaxayaan inuu ugudbi doono magaalada Gaalkacyo ee xarunta
gobolka Mudug.
Dhinaca kale madaxweyne C/laahi
Yuusuf waxa uu kulan la yeeshay odayaasha deegaankaasi iyo kuwa gobolka
Mudug.
Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv muqdisho
|