Madaxweynaha Dowlada FS ayaa manta
ka degay garoonka dayuuradaha ee magalada Boosaaso..
C/laahi Yuusuf
Axmed maddaxweynaha dowlada FS ayaa manta waxa uu ka degay garoonka
dayuuradaha ee magaalada Boosaaso. Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo
dhaweeyay garoonka Madaxweynaha mamulka goboleedka Puntland Gen. Cadde
Muuse iyo xubno ka tirsan wasiirada iyo xildhibaanada maamulkaas,
dadweynaha ku dhaqan gobalka Bari qaarkood iyagoo lulayeen caloomo qoyan.
Safarkaan
uu madaxweynaha ku soo gaaray gobolada maamul goboleedka Puntland oo uu
horey madaxweyne ugu ahaa ayaa ah mid si kadis ah uu madaxweynaha ku yimid
halkaas, iyadoo la sheegay ii xalay galinkii dambe uu soo sheegay in biri
uu ku food leeyahay Boosaaso, safarada uu ku imaanayo Madaxweyne C/lahi
Yuusuf ayaa noqdeen kuwo aan hore loo soo sheegin balse si kadis ah uu ku
imaado halkuu doonayo.
Maddaxeynaha
iyo wafdigii uu hor kacayay ayaa haatan degan hotel lagu magacaabo
National oo ku yaala magaalada Boosaaso.
Iyadoo
dhawaana la filayo in ay magaalada Garoowe soo garan xubno xildhibaano oo
tiradoodu lagu sheegay iney yihiin shan iyo toban “15”, kuwaasoo kasoo
kicitimey magaalada Nairobi, iyadoo qeyb horana oo uu Xasan Abshir
hoggaaminayey ee ay ku sugnaayeen magaalada Garoowe, ayaa kuwan waxa ay ka
dhigayaan qeybta labaad.
Isku
soo duuboo madaxweynaha ayaa waxaa la filayaa in isaguna uu usoo gudbo
dhinaca Garoowe iyo sidoo kale magaalada Gaalkacyo oo halkaasi kula hadlo
dadweynaha ku dhaqan halkaasi una sharaxo dowladiisa iyo hadafka ay la
leedahay soomaaliya gaar ahaan gobolada Punltand.