Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madaxweynaha dowlada FS C/laahi Yuusuf Axmed ayaa xalay iyo maanta kulamo magaalada Garoowe kula yeeshay Xubno ka tirsan maamul goboleedka Puntland iyo xubnaha dowlada FS ee ku sugan Puntland....

  C/laahi Yuusuf Axmed madaxweynaha dowlada FS ayaa xalay ilaa maanta kulamo la kala yeeshay wasiiro ka tirsan maamul goboleedka Puntland iyo xubnaha dowladiisa ee ku sugan magaalada Garoowe.Madaxweynaha  ayaa shalay soo gaaray xarunta maamul goboleedka Puntland ee Garoowe isagoo ka soo tagay dhinaca boosaaso oo uu maalmo halkaasi ku sugnaa.

 Habeenimadii xalay ayaa madaxweyne C/laahi Yuusuf waxuu kulan xasaasi la yeeshay xubno ka tirsan wasiirada maamul goboleedka Puntland.

Shirkaan xasaasi ah oo ay wasiirada maamul goboleedka Puntland la yeesheen Madaxweynaha dowlada FS C/laahi Yuusuf ayaa la isku soo hadal qaaday sidii uu madaxweynaha safar dhulka ah uu gaari lahaa magaalada Jowhar, iyadoo warar aan xaqiiqa aheyn ay sheegayaan in madaxweynaha lagula taliyay in uu iska dhaafo safarka dhulka uuna diyaarad ka raaco Gaalkacyo balse madaxweynaha ayaa fikirkaasi ka dhaga adkaaday kuna adkeystay in uu safar dhulka ah ku tago Jowhar.

 C/laahi Yuusuf aya kulankaan ka dib waxa uu kulan kale isla markiiba la yeeshay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cadde Muuse.

Waxaana madaxweyne C/laahi Yuusuf uu ku adkeysanayaa in uu safar dhulka ah ku tagi doono magaalada Jowhar, waxaana bari uu madaxweyne C/laahi Yuusuf uu u ambabixi doonaa dhinaca magaalada Gaalkacyo.

 Dhinaca kale maanta ayaa madaxweyne C/laahi Yuusuf waxuu hooyga Xasan Abshir Faarax kulan kula yeeshay xubnaha dowladiisa ee ku sugan Garoowe.

 Waxaana madaxweynha uu kulankaasi ku soo hadalqaaday arimo dhowr ah oo ay u waa weyn yihiin Shirkii magaalada Sanca ee dalka Yeman ee lagu dhaxdhaxaadinayay isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxii ka soo baxay iyo waxa la isku afgaran waayay, waxa kaloo uu ka Hadley madaxweynaha dowlada federaalka khilaafka dowlada federaalka iyo waliba kala fogaanshaha xubnaha ku jira dowlada, isagoo sheegay markaasi inaan loo baahneyn xiligan iney dowlada federaalka kala fogaato laguna afkaar duwanaado arimaha qaar taasoo khilaafka soo fogeysay.

 Waxuu dhinaca kale ka hadlay arimaha maaliyadeed, waxa uuna sheegay in aysan ilaa hada wax lacago ah aysan soo gaarin dowlada FS balse la filayo in dhawaan ay soo gaaran laguna fuliyo arimaha isku cakiran ee dowlada horyaala.

Waxa uuna xunbnaha dowlada ugu baaqay in aysan iska jiifan balse ay ku dadaalaan sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen Dastuurka wadanka u yaala iyo cadaalada.

Ugu dambeyntiina kulamadaan is dabasocda ee uu madaxweynaha la yeelayay dhinacyada siyaada soomaaliyeed ayaa u muuqda mid wanaagsan, balse dadweynaha qaarkood ayaa ku tilmaamayaa in uu madaxweynaha doonayo siduu u kala furfuri lahaa bahweynta soomaaliyeed.

 

Wariye
Abdifitahaam Ahmed
RSTV ONLINE
Mogadishu - Somalia


E-mail: abdifitahaam@hotmail