Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Madaxweynaha Somaaliya oo sheegay in uu nabadda ka raadinaayo qof kastoo soomaali ah

Hadalkan ayuu ka jediyay madaxweynaha DF Soomaliya C/laahi Yuusuf Axmed Munaasabada 21 September oo ah maalinta nabadda aduunka, waxa uuna sheegay in maanta ay tahay maalintii la raadin lahaa nabada soomaaliya isla markaana ay dantu tahay in qof kastoo Soomaali ah inaan nabada gurigiisa uga doono.

C/laahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay Soomaliya maanta iney u baahantahay cid gargaarta kalana shaqeeysa sidii ay dib ugu soo noqon laheeyd qaranimadeedii maadaama 14 sano in ka badan ay ku jireen bur bur iyo dagaallo Sokeeye

Madaxweeynaha Soomaaliya waxa kaloo uu raaciyay in laga doonaayo qof kastoo Soomaali ah inuu u guntado nabada Soomaaliya kuwa rabo iminka in dalku sidan ahaadana ay iska iloobaan ineeysan shacabkooda dhibaato u horseedin kana shaqeeyaan sidii Soomaaliya xal waara u gaari laheeyd

Waa markii ugu horeeysay oo uu Madaxweeynaha Soomaliya C/laahi Yuusuf Axmed hadal ceeynkanoo kala ah uu u jeediyo shacabka Soomaaliyeed iyadoo looga bartay hadalo aad u adag oo ay dadka ku tilmaami jireen inuu yahay nin dagaal tan iyo markii uu ka soo laabtay New york ayaa waxaa soo if baxaayo tanaasul weeyn oo ka muuqda Madaxweeynaha markii uu kulamo la tashi ah la soo yeeshay madax ka mid ah beesha caalamka.

Muxidiin Cali Jimcaale "Jakuula"

jakuula@hotmail.com

Mogadishu - Somalia