|
Madaxweynaha dowlada FS C/laahi Yuusf ayaa Gaalkacyo kulan xasaasi ah kula
yeeshay odoyaasha qabaa’ilka….
C/laahi
Yuusuf Axmed madaxweynaha dowlada Federaalka KMG ee soomaaliya ayaa xalay
waxa uu magaalada Gaalkacyo kulan xasaasi ah kula yeeshay odoyaasha
qabaa’ilka ee gobalka Mudug.C/laahi Yuusuf oo shalay gaaray magaalada
Gaalkacyo ayaa isla xalay waxa uu kulan xasaasi ah la yeeshay odoyaasha
qabaa’ilka ee gobolka mudug.
Waxaana la
filayaa in madaxweynaha uu qabto shir jaraa’id oo uu ugu hadlayo safarka uu
ku aadayo Jowhar, iyadoo sidoo kalana ay sheegayaan illo ku dhow dhow
madaxweynaha inuu badaley go’aankiisii ahaa safarkii dhinaca dhulka uu ku
mari lahaa, iyadoo wararku sheegayaan in magaalada Jowhar uu ku tagi doono
diyaarad qaas ah, waloow warbixinadu ay sheegayaan in dhinaca wadadu ay mari
doonaan ciidamada dowlada FKMG ah loo diyaariyey ee ku sugan deegaanka
Abqaale.
Dhinaca
kale waxaa manta ka duulay garoonka dayuradaha ee Jowhar xubno uu
hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo Gudoomiyaha Siyaasada
Gobalka Sh/Dhexe Max’ed Cumar Xabeeb “Max’ed Dheer” iyagoo u kicitamay
dhinaca magaalada Gaalkacyo oo uu ku sugan yahay Madaxweyne C/laahi Yuusuf,
waxaana wararka intaas ku darayaan in ay doonayaan xubnahaan in ay la soo
tashtaan madaxweynaha, iyagoo la filayo isla galinka dambe ee maanta in ay
dib ugu soo laabtaan Jowhar.

Wariye
Abdifitahaam Ahmed
Rocherster Somali TV
Mogadishu - Somalia
|