Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Madaxweynaha Soomaaliya Abdullahi Yusuf oo Kulamo layeeshey Madax kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdullahi Y. Ahmed iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa waxay wali ku gudda jiraan hawlihii ay u yimaadeen Magaladda New York oo Xarun u ah Qaramada Midoobey halkaas oo uu kaga qeyba galayo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, Madaxweynuhu wuxuu kolamo xiriir ah la yeeshey Madaxda Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Mareykanka, aqoonyahanno, iyo dadweyne fara badan oo ka kala yimid gobolada kala duwan ee Mareykanka iyo Canada kuwaassi oo dhaweynayey waftiga Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo qaabiley ama ay wada hadleen Madaxweynaha Golaha guud ee Jamciyadda Qaruumaha ka dhexeysa  Mr.Jan Elsson waxeyna ka wada hadleen sidii qaramada midoobey ay ula shaqeyn lahayd dawladda Soomaaliyeed iyo Hay'adeheeda weyna isla garteen dhamaan waxyaabihii ay isla soo qaadeen.

 Madaxweyne yusuf sidoo kale waxey wadal yeesheen Ra'iisal wasaaraha waddanka Sweden Goran Persson  waxeyna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka dhexeeya labada dal iyo in ay dawladda Sweden ay gacan muuqata ka geysato dib u dhiska waddanka Soomaliya iyadoo wada hadalkaasi uu ku dhamaadey jawi farxadi ka muuqato.

Waftiga Madaxweynaha waxay saacadaha soo socda shir ballaaran la yeelan doonaan dhamaan Jaaliyadaha Halkaasi isugu yimid waxeyna halkaas ku siin doonaan waftigu warbixin dheer oo ku saabsan marxaladda uu dalku Haatan Marayo

iyo wixii u qabsoomey dawladda Federaalka ah intii ay jirtey. wararkaas iyo Video-gii shirkaas  laga soo duubey kala soco RSTV goor dhow.

Abdifatah M.Abdinur
RSTV New York