Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf”Waxaan ka codsanayaa Golaha Ammaanka inay Xayiraadda hubka ka qaadan Soomaaliya, Maxaa yeelay waxay niyad jab ku tahay”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ka codsaday Beesha Caalamka inay ka qeyb qaatan dib u dhiska dalka Soomaaliya,isagoo sheegay in soomaaliya maanta u baahan tahay in garab gargaar la siiyo, sidoo kale waxa auu ka codsaday Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in soomaaliya laga qaado Xayiraadda hubka ee saran si ay fursad u helaan dalalka doonaya inay Soomaaliya wax u qabtaan.

Isagoo ka hadlayay shirka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo baahan yahay in soomaaliya laga qaado Xayiraadda hubka,wuxuuna ku celiyay in tallaabadaas qeyb ka tahay in dib loo soo celiyo ammaankii iyo kala dambeyntii dalka oo burburtay kol hore.

“Waxaa jira kooxo diidan in Soomaaliya Nabad ka dhalan, sidaas darted Caalamka waa inay fursad u siiyaan Shacabka Soomaaliyed,fursadaas waxay tahay in xayiraadda hubka laga qaado dalka”ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

Horey ayaa Golahha Ammaanka u diideen inay Soomaaliya ka qaadan Xayiraadda hubka,laakiin Golaha waxay ka codsadeen Midowga Afrika inay soo diyaariyaan Qorshe mideysan oo Ciidamo lagu geynayo soomaaliya

Muxyadiin Cali Jimcaalle jakuula
Muqdisho Somaliya