|
Madaxweynaha DFS, C/laahi Yuusuf Axmed oo maanta u waramyey saxaafada isagoo
jooga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhex, ayaa waxa uu sheegay inay
dhamaatay wax la yiraahdo dib u heshiisiin
Madaxweyne C/ hi yuusuf ayaa sheegay dibu heshiisiin uu dhex dhigo
Caalamka isaga iyo raga ka soo horjeeda ee ku jira dowladiisa, balse wax
dibn u heshiisiinta u baahan ay yihiin dadweynaha.
C/laahi Yuusuf ayaa si weyn sharaaxad uga bixiyey sababaha uu u diidan
yahay dib u heshiisinta , isagoo sheegay in taasi haddii uu aqbalo ay
macnaheedu tahay in wixii lagu soo heshiiyey aysan jirin, dowladana ay
burburto.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf, waxa uu sheegay in iyaga xubnahooda
iskhilaafsan ee dowlada ay xaq u leeyihiin in dhexdooda ay ka heshiiyaan oo
aanay u baahneyn gacan shisheeye.
C/laahi Yuusuf mar uu ka hadlayey raga ku jira dowladiisa ee mabda ahaan
ka soo horjeeda siyaasadiisa, waxa uu sheegay in ragaasi ay yihiin falaago,
iyagana ay yihiin dowladii Soomaaliyeed, isagoo sidoo kalena ku tilmaamay
Muqdishu in weli tahay goob amaan daro ay ka jirto, uuna ka shaqeenayo sidii
loo abuuri lahaa jawi nabadeed oo dowladu ay ku shaqeyn karto.
Madaxweyne Yuusuf waxa uu gaashaanka ku dhuftay in talaabada lagu
mamnuucay in diyaaradaha Kenya ay ku soo degaan garoomada Dayniile iyo Ceel
Axmed ay kicin karto colaad sokeeye, waxa uuna sheegay in talaabadaasi looga
jeedo in lagu adkeeyo nabadgalyada dalka, isla markaana buu yiri waxa laga
dhoofiyo garomadaasi ay sharci daro yihiin.
Waxa uu sheegay in furnaanshaha labadaasi garoon aanay wax faa’iido ah
ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|