|
Maamulka cusub
ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu xoog u adeegsanayo amaan kusoo
dabaalida magaalada Muqdisho.
Maxamed Cisman
Cali oo loo yaqaan dhagaxtuur oo ah gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir
ee dhinaca nabadgelyada oo maanta shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho
ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoog u adeegsanayo sugida amaanka magaalada
caasimada ah ee Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ay kusoo badanayeen
dilka loo gaysanayo waxgaradka ku dhaqan magaalada .Gudoomiye ku xigeenka
gobolka Banaadir ee dhanka nabadgelyada ayaa sheegay in arinta sugida
amaanka magaalada Muqdisho ay la kaashanayaan saraakiisha ciidanka booliska
,mas’uuliyiinta ururrada bulshada rayidka iyo waxgaradka gobolka .
Gudoomiye ku
xigeenka ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u abuurayaan ciidan
suga amniga magaalada Muqdisho oo ay ku xareynayaan xerooyinka kala ah :Geed
timir,Qorilow iyo dhanane.Gudoomiye ku xigeenku waxa kaloo uu sheegay in aan
indhaha laga laaban doonin amaan derida kusoo korortay magaalada Muqdisho ..
Gabagabadii
shirkaasi jaraa’id ayaa gudoomiye ku xigeenku waxa uu saxaada u qeybiyey war
saxaafadeed lagu sheegay in amaanka magaalada uu muhiim u yahay dhamaan
shacbiga gobolka laakiin in wax laga qabto arintaasi horey jeer loogu
guul dareystay sababo ay ugu muhiimsanyihiin kuwan hoos ku xusan:
1) ma jirin cid
awood buuxda u lahayd magacaabida maamulka gobolka Banaadir illaa iyo heer
xukuumadeed wixii hadda ka horeeyey isla markaaina uu hadda dhisanyahay
haykal qaran oo loo wada dhanyahay
2). jiritaan
la’aan maamul qaran ,maadaama 14 –kii sano ee lasoo dhaafay uu maqnaa maamul
qaran oo lagu mideysanyahay.
3)danta qaranka
oo laga hormariyo danta khaaska ah.
Ku dhawaaqista
wax ka qabashada xaalada amaanka magaalada Muqdisho ayaa yimid dhowr maalin
ka dib markii la dilay agaasimihii hore ee hay’adda CRD C/qadir Yaxye iyo
taliyihii ciidmada maxkamada islaamiga ah Ifkaxalan.
Maxamed Cumar
sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho
Cadde_8@hotmail.com
|