Maamulka Somaliland oo xukuntay dad ay ku ee daysay Argagixiso iyo
Dil Maxkamada sare ee magaalada Hargesya ayaa maanta Ku
dhawaaqday Xukun ay ku kala riday Dad lagu Edeeyay iney falal Dil iyo
kuwa lagu sheegay Argagixiso ka gesytey jamhuuriyadda La baxday
somaliland dhawrkii sano ee la soo dhaafay.
15 ruux ayaa 8 ka mid ah lagu Xukumay Xukun dil ah halka 5 kalena
lagu Xukumay xabsi daa'in, iyadoo dib loo dhigay labo eedeysane
dacwadooda sida uu daboolka ka qaaday Gudoomiyaha maxkamada sare ee
hargeysa maanta galinkii hore, waxa ayna kalayihiin
magacyada eedeysanayaasha la xukumay
Magacyada ragga dilka lagu xukay
1. Maxamed Cali Ciise,
2. Axmed Cali Samatar
3. Ibrahim Jaamac Axmed
4. Jaamac Cabdi Ismaaciil
5. Cali Mustafe Max’ed
6. Da’ud Saalax Iidle
7. Cali Maxamed Cawale
8. Farxaan Cabdillaahi Maxamed.
Magacyada kuwa xabsi daa'inka ah
1. Maxamed Cabdi Xaamud
2. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac
3. Yaasiin Khalid Cismaan
4. Cabdillaahi Jeeri
5. Maxamed Aadan
Maxkamadu waxa ay dib u dhigtay baaristooda labo eedeysane oo kala
ah
1. Axmed Cabdi Godane
2. Aadan Xaashi Cayrow.
Dadka la xukumay ayaa lagu soo oogay iney gesyteen Dilkii
magaalooyinka Boorama,hargeysa iyo Shiikh, oo lagu dilay dad Ajnabi ah
oo shaqaalle ka ahaa hay'do samafal oo ka hawlgala Jamhuuriyadda la
baxday Somaliland.
Qareenadda u doodaya dadka Xukunka uu ku dhacay ayaa Racfaan ka
qaatay xukunka ay maanta riday Maxkamada,
Muxyadiin Cali Jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya