Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
 

Maamul Cusub oo gobalka Hiiraan laga wado in laga dhiso, qaar ka mid ahna dowlada FS ay dhisayaan maamulkaan cusub..

Xubnaha labada gole ee dowlada FS ka tirsan kuna sugan gobalka Hiiraan, ayaa waayahaanba wadeen sidii ay gobalka ugu sameyn lahaayeen maamul cusub oo gobalkaasi oo dhan hoosyimaada.

Dadweynaha ku dhaqan gobalka hiiraan ayaa walaac weyn ka muujinaya maamulkaan cusub oo dhismahii la qaban qaabinayo, iyagoo sheegaya in aysan maamul kale oo laga dhiso gobalkaan wanaagsaneed, waxayna sheegayaan in maamulo ka gadisan gobalkaan iminka ay ka jiraan loona baahneen mid kale.

Dhismaha maamulkaan cusub ayaa u muuqda haatan mid dar dar wanaagsan ku socdo balse waxaa la sheegayaa in howshaan lagu sameynayo maamulka ay mudoo 2 bilood ah ay socondoonto, waloow aysan sheegin maamulka ay dhisayaan waxa uu noqonayo iyo waxyaabaha uu qaban doono.

Hadaba maamulka sar sare ee goblka Hiiraan aya waxa ay qabaan fikrado lid ku ah mamulkaan cusub ee la dhisayo, Gudoomiya Gobalka Aadan "Garaaso" ninka lagu magacaabo oo dhawaan ka soo laabtay Kenya ayaa sheegay in dhismaha maamul uu yeesho gobolku aysan wax shaqa ah ku laheyn dowlada federaalka Soomaaliya, oo uu tilmaamey mid ka weecatey ujeedooyinkii markii horaba loo unkey, isla markaana waxa uu intaa ku darey Aadan Cabdi Ciise "Aadan Garaase" in aayaha gobolku yahay mid mar walba u yaala bulshada ku dhaqan.

Dhanka kale Wasiir K/Xigeenka wasaarada tamarta Abaadir Sheekh Isaaq Cabdule oo kamid ah xubnaha katirsan xukuumada kuna sugan gobolka Hiiraan, aya saxaafada waxa uu u sheegay in ujeedada ugu weyn socdaalkiisa ay tahay ka dhaadhicinta bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan, barnaamijka iyo waliba sidii loo taageeri lahaa qorshaha xukuumada xubnaha maamulada gobolada iyo waliba degmooyinka gobolka, oo sida uu carabka ku dhuftey gobolka Hiiraan uu kamid yahay, waxaana uu intaa ku darey in dhanka kale socdaal kiisan uu ka turjumayo baaqa xukuumada ee ahaa in xubin walbo oo katirsan dowlada ay nabadda kasoo bilowdo ilaa tuulo laga gaarsiinayo min heer gobol, si loogu baahso guud ahaan dalka.

Hadaba Wasiir K/xigeenkan ayaa waxa uu safar ku tagay degmooyin fara badan ee ka tirsan gobalka Hiiraan isagoo iminkana ku sugan Tuulada Far Libaax.

Isku soo duubo arintaan hada soo ifbaxday ee maamulka cusub loogu dhisaayo gobalka Hiiraan, ayaa waxa ay dadka aqoonyahanada ah kana soo jeeda gobalkaas ku timaameen caqab kale oo gobalkaas soo dugaashatay, waxa ayna sheegeen in aan loo baahneen maamul kale oo gobalka laga dhiso iyadoo kuwii hore dhisnaa aysan wax la qabankaro oo muhiim u ah danta shacabka gobalka ku dhaqan, balse ay cadaawado iyo waliba cariiri siyaasadeed ku soo biiriyeen.

 

Wariye
Abdifitahaam Ahmed
Rochester Somali TV
Mogadishu - Somalia


E-mail: abdifitahaam@hotmail.com