Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maxamed Cabdi Xayir oo beeniyay eedeymaha ay usoo jeedinayaan xubnaha Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta dowlada ku meel gaar ah ee wadanka Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa gaashaanka u daruurau eedeeymaha ka soo yeeraya xubnaha labada gole ee magaalada Muqdiho ku sugan kuwaasoo sheegaya in xubnaha Jowhhar ay rasaas iyo saanad militrari u doonteen wadamada Yemen iyo Ethiopia oo Somalia darris la ah.

wasirka saxaadafa kula hadlayay magaalada Jowhar ayaa sheegay eedeymaha kasoo yeeraya xubnaha Muqdisho ay yihiin kuwa lagu qarinayo indhahana looga jeedinayo fashilka soo food saaray xubnahaasi oo uu sheegay in ay kuguul daraysteen waxyaabihii dadka Mqudisho ay u ballanqaadeen oo ahaa in amaanka ay sugayaan.

Wasiirku waxa uu sheegay in aanu jirin hub iyo saanad militari ay doonteen wadamada dariska la ah somalia oo ay yemen iyo ethiopa ay ugu horeeyaan.

mudane maareeya waxaa kaluu uu sheegay in socdaalada xubnaha Jowhar ayku tagayaan wadamada darisk ah qaarkod aanay ku salayn arin militari laakiin waxauu tilmaamay socdaaladaasi in ay yihiin kuwa la doonayo in xal loogu helo khilaafka xubnaha labada gole ee jooga Mqudisho iyo Jowhar.

hadalka maareeya ayaa jawaab u ah hadal maalintii shalay ahayd kasoo yeeray xildhibaan Cabdala xaaji cali oo shegay in xubnaha Jowhar ay saanad militari u raadsadeen magaalooyinka Sanca iyo adis ababa.

Maxamed Cumar Sheekh.

Rochester Somali Tv,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com.