Maxamad Dheere oo ka hadlay dagaalka Mirtaqwo ee gobolka Shabelaha
Dhexe
gudoomiyaha gudiga siyaasadda gobolka sh/dhexe maxamad cumar xabeeb (maxamad
dheere ) ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlaayo dagaalada
ka dhacay tuulada miirtaqwo oo ka tirsan G/Sh/dhexe.
waxaana uu maxamad dheere sheegay inuu u diray ciidamo ka tirsan
maamulkiisa imay soo qabqabtaan danbiileyaal gudoomiyihii degmada
miirtaqwo, waxaana uu sheegay in sedax nin oo mid ka mida uu yahay gacan
ku dhiiglihii dilay gudoomiyaha gacanta lagu hayo.
waxaa kale oo uu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen nin gacan ku
dhiigle ah oo sida uu sheegay dilay allaha u naxariistee jeneraal maxamad
cabdi oo lagu dilay magaalada muqdisho.
sidoo kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in dhamaan raggan la soo taagi
doono maxkamad, isagoo sheegay in dagaalada ka socda sh/dhexe ay wadaan
rag uu ku jiro gudoomiye ku-xigeenkiisii hore, waxaana uu tilmaamay in
haddii aysan joojin dagaalada ay wadaan uu muqdisho ugu imaan doono.
inkastoo uu sheegay in ay deegaanadaasi xasiloon yihiin ayaa hadana
shalay iyo xalay ay ka dhacayeen dilal aan loo meel dayin.
muxyaddiin cali jimcaale jakuula
muqdisho somalia