Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Maxkamadda sare ee Libya oo xukunkii dilka ahaa ka qaadey koox Bulgarian ah

Maxkamdda sare ee waddanka Libya ayaa ka qaadey Xukunkii dilka ahaa ee horey loogu xumey shan qof oo u dhashey Bulgaria oo ahaa Kalkaaliyeyaal caafimaad (Nurses) iyo Hal dhakhtar oo isaguna u dhashey Falastiin dadkaasi waxaa lugu eedeeyey inay ku talaaleen cudurka AIDS caruur u dhalatey Libya oo degenaa Magaalada Benghasi iyagoo cudurkaasi ugu faafiyey si ula kac ah ilaa 426 Caruur ah taasi oo ilaa 50 ka mid ahi ay dhinteen sanadihii u dhexeeyey 1999kii ilaa hadda.

Sanadkii 1999kii ayaa maxkamadda hoose ee mahgaalda Tripoli ay ku xukuntey dadkaasi xukun dil ah waxeyna ka qaateen racfaan (appeal). Khubaro caafimadka ku xeel dheer ayaa sheegey in cudurka uu ku faafey degaankaasi intii aanay imaanin kooxdan lagu eedeeyey faafintiisa.

Taasina waxay keentahy in dib loo dhageysto Maxkamadooda lagana noqdo xukunkii dilka ahaa ee hore loogu xukumey. Waddanka Libya ayaa in dhawaale isku dayayey inuu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay waddamada Reer galbeedka iyadoo wakhtiyadii hore ay jirtey dhibaato lixaad leh oo ka dhalatey diyaaraddii PANAM ee ku burburtey hawada Scotland ee waddanka Ingriiska taasi oo xal loo heley Libyana ay ogolaatey Malayiin Magdhow oo ay siiso dadkii ku dhintey Diyaaraddaas.

Arrinta dacwadan ayaa dhibaato hor leh ku noqotey xiriirka Libya iyo waddamada Reer yurub oo iyagu aad uga horjeeda xukunka dilka iyo dal kasta oo xukunkaasi Fuliya.

Maxamed Xuseen Xaaji
 RSTV Indiana USA